28.4 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Jubaland oo jawaab ka soo saartay go’aanka ay DF ku burisay heshiisyadii Imaaraadka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) — Maamul goboleedka Jubaland ayaa si adag u diiday go’aankii Isniintii ka soo baxay Golaha Wasiirada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu laalay dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii lala galay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

War-saxaafadeed xalay ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in go’aanka Dowladda Federaalka uu yahay mid “waxba kama jiraan ah” marka la eego deegaannada Jubaland, iyadoo maamulku ku adkaystay in heshiisyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan kuwa khuseeya Dekedda Kismaayo, ay yihiin kuwo sidiisii u sii shaqeyn doona.

Jubaland waxay cuskatay Qodobka 87-aad ee Dastuurkeeda, farqadihiisa 4-aad, 5-aad iyo 6-aad, kuwaas oo maamulka siinaya awoodda iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo bixinta ruqsadaha lagu horumarinayo kaabayaasha kala duwan.

“Go’aanka maanta ka soo baxay Dowladda Federaalka waa mid ka hor imaanaya dhammaan qodobada dastuuriga ah iyo Qodobka 53-aad ee Dastuurka Federaalka,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Kismaayo, iyadoo tixraacaysa qodobka dhigaya in dowlad goboleedyada lagala tashado heshiisyada caalamiga ah ee saamaynta ku leh.

Jawaabta degdegga ah ee Jubaland ayaa imaanaysa saacado uun kadib markii Dowladda Federaalka ay shaacisay inay gebi ahaanba burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee lala galay Imaaraadka, iyadoo sabab uga dhigtay “xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada qaranka.”

Tallaabada Muqdisho ayaa loo arkayay mid toos uga jawaabaysa wararka sheegaya in Imaaraadka Carabta uu door ku lahaa go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay maamuka Somaliland.

Hase yeeshee, Jubaland ayaa ku tilmaantay tallaabada Dowladda Federaalka mid lagu qarinayo fashilka hoggaanka dalka.

“Dowladda Federaalka oo ku fashilantay mas’uuliyaddii loo igmaday ee isku haynta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxay u aragtaa arrimahan oo kale inay kaga dhuumanayso mas’uuliyaddii ay gabtay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Jubaland.

Maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay Dowladda Dhexe inay dayacday arrimaha masiiriga ah sida amniga iyo doorashooyinka, beddelkeedna ay abuurayso jahwareer siyaasadeed.

Khilaafkan ayaa mugdi gelinaya fulinta go’aanka Muqdisho, maadaama dekedaha istiraatiijiga ah ee Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo ay gacanta ugu jiraan maamullo leh awoodo amni iyo mid dhaqaale oo madax-bannaan.

Jubaland waxay si cad u sheegtay in heshiisyada ganacsiga iyo horumarinta kaabayaasha, oo ay ku jirto Dekedda Kismaayo, ay yihiin xaq dastuuri ah oo ay leeyihiin dadka reer Jubaland.

“Jubaland kaliya ayaa xaq u leh wax ka beddelkooda ama baabi’intooda,” ayuu yiri bayaanku, isagoo ku soo gabagabeeyay in dhammaan heshiisyadaas ay “sii jiri doonaan.”

Iska hor-imaadkan cusub ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada, gaar ahaan Jubaland iyo Puntland, uu marayo meel xasaasi ah, iyadoo dhinacyadu ay ku kala aragti duwan yihiin dhammaystirka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News