29 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyay Laascaanood + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Laascaanood si weyn ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin heer federaal, heer dowlad-goboleed, Isimada dhaqanka, Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale waxaa soo dhaweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda qeyb ka ahaa madax dalka xilal kala duwan kasoo qabatay iyo hoggaanka ciidamada booliiska iyo nabad-sugidda.

Xasan Sheekh ayaa ka qayb-galaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), taas oo ka qabsoomaysa magaalada Laascaanood.

Amniga magaalada Laascaanood ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo magaalada la geliyay bandow, isla markaana muddo 48 saacadood ah la hakiyay isu-socodka gaadiidka iyo dadka gudaha magaalada.

Sidoo kale, ciidamada ku sugan xuduudaha Maamulka Waqooyi Bari ayaa lagu amray inay joojiyaan gaadiidka ka baxaya iyo kuwa soo galaya xarunta maamulka ee Laascaanood.

Magaalada waxaa haatan ku sugan wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Taliyaha Ciidanka Booliiska, Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, mas’uuliyiin hore oo xilal kala duwan dalka ka soo qabtay, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Laascaanood ayaa kusoo aadayo, xilli haatan ay si weyn iskugu dhacsan yihiin Dowladda Federaalka iyo Somaliland, sababo la xiriira aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa haatan doonaya in beesha caalamka uu Laascaanood uga diro farriin ku aaddan in Dowladda Federaalka ay maamusho qaybo ka mid ah gobollada Waqooyi ee ay Somaliland sheegato, xilli ay midnimada dalka duulaan qaawan kusoo qaaday Israa’iil.

- Advertisement -

Read more

Local News