24.4 C
Mogadishu
Wednesday, January 28, 2026

Soomaaliya oo shaacisay in ay heshiis iskaashi difaac la galeyso Masar iyo Sacuudiga

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Somalia Today) — Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo culus oo ay ku doonayso in iskaashi amni oo qoto dheer kula yeelato dalalka Sacuudiga iyo Masar, gaar ahaan ilaalinta marinka istiraatiijiga ah ee Badda Cas, tallaabadan oo ah jawaab istiraatiiji oo laga bixinayo go’aankii Israa’iil ay ku aqoonsatay maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland. 

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in Muqdisho ay raadinayso “qaab-dhismeed waara” oo ay la yeelato Riyaad iyo Qaahira si loo ilaaliyo amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, loona adkeeyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya xilli ay sii kordhayaan faragelinta awoodaha shisheeye ee Geeska Afrika.

Wareysi uu siiyay wargeyska Al Majalla, ayuu Wasiir Cali Balcad ku dooday in go’aanka Israa’iil uusan ahayn mid astaan uun ah, balse uu xambaarsan yahay cawaaqib istiraatiiji ah oo ku wajahan mandiqad qaadda qayb weyn oo ka mid ah ganacsiga caalamiga ah, isla markaana ah xuddunta colaadaha ka soo billowda Yemen ilaa Suudaan. 

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa 26-kii December ku dhawaaqay inuu Somaliland u aqoonsaday “dal madax-bannaan oo qaran ah.” Dowladda Soomaaliya ayaa isla markiiba gaashaanka u daruurtay tallaabadaas, iyadoo ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo weerar lagu qaaday qaranimadeeda, waxayna sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyin diblomaasiyadeed iyo kuwa sharci ah.

Wasiir Cali Balcad ayaa soo dhaweeyay waxa uu ugu yeeray “mowqifka mabda’a ku dhisan” ee dowladaha Carabta, gaar ahaan Sacuudiga, kuwaas oo si cad u diiday aqoonsigaas.

Wasiirku wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso “iskaashi qaab-dhismeed leh” halkii ay ka raadin lahayd siyaasad cusub oo xulafaysi, isagoo qeexay hannaan ku dhisan mas’uuliyad wadaag iyo difaac wadajir ah oo ka dhan ah khataraha ay ka mid yihiin argagixisada, burcad-badeedda, iyo “faragelinta shisheeye.”

Wuxuu sheegay Sacuudiga iyo Masar inay yihiin tiirarka dabiiciga ah ee iskaashigan, isagoo soo xigtay saameynta diblomaasiyadeed ee labada dal iyo danaha ay ka leeyihiin ilaalinta waddooyinka Badda Cas.

Baaqa Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay waddo howlgallo ka dhan ah kooxaha fallaagada ah, iyadoo ay jiraan culeysyo dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed.

Wuxuu diiday sheegashooyinka ah in sii jiritaanka Al-Shabaab iyo dagaalyahannada xiriirka la leh Daacish ay caddayn u tahay fashilka dowladda, isagoo ku dooday in awoodda dowladdu ay fiday tan iyo burburkii 1991-kii, isla markaana Muqdisho ay hadda ka ammaan badan tahay xilliyadii hore ee dagaalka.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu qiray in Al-Shabaab ay weli yihiin koox awood leh oo xiriir la leh Al-Qaacida, halka kooxaha taabacsan Daacish ay weli ku dhuumaalaystaan deegaannada waqooyi-bari.   

- Advertisement -

Read more

Local News