Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta Saalax Xiirey Kheyre u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, kadib wareegto uu soo saaray.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale agaasimaha cusub ee uu soo magacaabay kula dardaarmay inuu la yimaado hufnaan iyo xil-gudasho.
Saalax Xiirey ayaa horay uga tirsanaa howl-wadeennada maamulka gobolka Banaadir, gaar ahaan maamulka degmada Warta Nabadda, isaga oo noqday gudoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada iyo wacyi-gelinta degmadaasi.
Maalmo kahor Xamza ayaa maalmo kaho`r sidaan oo kale Ra’iisul wasaaruhu u magacaabay agaasimaha guud ee arrimaha caddaaladda ee wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha dastuurka Axmed Xasan Yuusuf oo xilka la wareegay.
Indhowaanahan Xamza ayaa waday isbeddallo waa wayn oo ku aadan xukuumadda Dan-Qaran, wuxuuna horay u magacaabay Wasiiro cusub iyo madax waaxeedyo ka tirsan xafiiskiisa, si loo dardargeliyo shaqada.
Magacaabista ka socota xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriirta isbeddalka wayn ee ay waddo xukuumaddiisa oo dhawan saddex sano jirsatay, si loo dardargeliyo shaqadeeda.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale la yimid isla xisaabtan golaha wasiirada ah, isaga oo kormeer ku tegay dhowr xarumood oo muhiim ah, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo cabasho ay kadib, balse la xalliyay iyo xarumo wasaaradeed oo ku yaalla caasimada oo uu ku tegay booqashooyin, si uu qiimeeyo shaqada ka socota.
Waxaa kale ra’iisul wasaaruhu xalliyay cabashooyin badan oo ka yimid wasaaradaha qaar oo shaqaaluhu ay kasoo cawdeen, isagoo toos u farogeliyay, waxna ka qabtay arrimahaasi.


