27.9 C
Mogadishu
Tuesday, February 3, 2026

DF oo soo afjartay khilaafkii u dhexeeyay Jibriil iyo Ilyaas

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Cumar Balcad ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in la xaliyay khilaafkii bilihii la soo dhaafay u dhexeeyay safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay Kenya iyo Tanzania.

Khilaafka ayaa soo ifbaxay bishii Sebtembar 2025, markaas oo Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania ay soo saartay bayaan ay uga hortimid booqasho uu Safiirka Soomaaliya ee Kenya ku tagay Kinshaasa ee caasimadda Congo, taas oo ay ku tilmaantay mid ka hor imaanaysa xeerarka diblomaasiyadda Soomaaliya isla markaana faragelin ku ah waajibaadkeeda.

“Arrinta labada safaaradood waa la xalliyay. Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay magacawday guddi latalin ah oo ka kooban safiirro hore, si ay u baaraan arrinta,” ayuu yiri Wasiir Balcad, oo bixiyay wareysi gaar ah.

Waxa uu intaas ku daray: “Labada safiir waa loo yeeray, waxayna la kulmeen guddiga, kaddibna guddigu wuxuu soo saaray talooyin.”

Wasiirka ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin in qalad noocaas ah uu dhaco, isaga oo xusay in casharro laga bartay, isla markaana uu rajeynayo in aanay mar kale soo laaban.

“Waxay ahayd nasiib-darro in qaladkaasi dhaco, balse waan ka barannay. Waxaan rajaynaynaa inaanu mar kale dhicin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Balcad, oo sidoo kale qirtay inay jireen gaabisyo la xiriira tababarka iyo awaamiirta gudaha ee adeegga diblomaasiyadda.

Ugu dambeyntii, wuxuu ballanqaaday in wasaaraddu ay qaadi doonto tallaabooyin wax ku ool ah si looga hortago khilaafaad la mid ah mustaqbalka, kuwaas oo fadeexad hor leh ku noqon kara diblomaasiyadda dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News