Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa maanta la kulmay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Kamaal Daahir Guutaale.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin geeddi-socodka doorashooyinka iyo gogosha wada-hadal ee Xukuumaddu u fidisay Golaha Golaha Mustaqbalka ee ku mideysan yihiin mucaaradka iyo hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland.
Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay xaaladda amniga dalka, iyadoo Xoghayaha Joogtada ah uu Wakiilka Qaramada Midoobay la wadaagay horumarka muuqda ee xukuumaddu ka sameysay sugidda amniga guud ee dalka.
Guutaale ayaa Swan uga warbixiyay doorashadii golaha deegaanka gobolka Banaadir oo daba-yaqaadii sanadkii hore si nabad ah uga qabsoontay caasimadda Muqdisho.
Sidoo kale, waxa uu carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda uga go’an tahay dhageysiga tabashooyinka mucaaradka iyo xoojinta wadatashiga siyaasadeed si loo helo is-afgarad qaran.
Dhankiisa, Mr. James Swan ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay gogosha wada-hadal ee ay u fidisay mucaaradka, isagoo ballan-qaaday in Qaramada Midoobay ay taageeri doonto dadaallada lagu xaqiijinayo in gogoshu ay miro dhal noqoto.
Swan ayaa sidoo kale wuxuu mmaanay habsami u socodka iyo nabadgelyada doorashadii golaha deegaanka ee ka dhacday caasimadda.
Kulankan ayaa imanaya xilli hawl-galka KMG ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu xaqiijiyay taageeradiisa ku aaddan wada-hadal loo dhan yahay oo lagu gaarayo is-afgarad ballaaran oo ku saabsan doorashooyin laga wada qayb-galo.
UNTMIS ayaa muujisay mudnaanta heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka ka hor inta uusan dhammaan muddo xileedka dastuuriga ah ee Madaxweynaha oo billo kooban ka harsan yihiin.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 19-kii bishaan ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran, iyadoo casuumaad loo diray madaxda ku bahoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa casuumad rasmi ah u fidisay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Shirweynahan ayaa magaalada Muqdisho ka furmi doona 1-da bisha soo aadan ee Febraayo 2026, sida uu iclaamiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.








