24.4 C
Mogadishu
Wednesday, January 28, 2026

Maydadka maleeshiyada Al-Shabaab oo laga ururinayo Jabad-Godane

Bookmark
Bookmarked

Share

Warsheekh (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa weli wada howlgal ay ku aruurinayaan meydadka maleeshiyaadkii Khawaarijta ee lagu laayay deegaanka Jabad-Godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib dagaal culus oo ka dhacay halkaasi.

Ciidamada ayaa maanta isku fidiyay qaybo badan oo kamid ah deegaanka iyo hareerihiisa, waxayna kasoo heleen maydadka xubnaha Al-Shabaab ee la laayay, si loo aaso.

Sawirro ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa muujinayo maydad badan oo ay ciidamadu isugu geeyeen hal goob, isla markaana qorshuhu yahay in la asturo.

Waxaa sidoo kale ciidamada ay wadaan howlgallo amni xaqiijin ah oo ku aadan xaaladda deegaanka, si ay uga hortagaan weerar ay mar kale soo qaadaan maleeshiyada Khawaarijta.

Sidoo kale waxa ay ciidamadu baacsanayaan firxadka maleeshiyaadkii cararay ee ku sugan dhulka hawdka ah ee Jabad-Godane oo weli xaalad adag laga dareemayo.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa dhankooda sheegay in bulshada ay u soo bandhigi doonaan magacyada horjoogayaasha Khawaarijta ee dagaalka lagu dilay, tirada maleeshiyaadka la laayey iyo hubka ay ka furteen.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Jabad-Godan ayaa noqday mid kamid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ay la kulmaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, maadaama laga laayay xubno fara badan, lagana dhaawacay kuwa kale.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa laga hortegay weerarro ay soo abaabuleen Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay kii deegaanka Kudhaa, kaas oo isna jab culus Khawaarijta lagu gaarsiiyay, maadaama looga adkaaday dagaal ay la galeen ciidamada Jubbaland iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

- Advertisement -

Read more

Local News