24.4 C
Mogadishu
Wednesday, January 28, 2026

WAR cusub oo kasoo kordhay gogosha uu dhigay XASAN

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga loo xil-saaray qaban-qaabada gogosha wada-tashiga qaran ee Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriira wada-hadallada la filayo in 1-da Febraayo ay ka bilowdaan Muqdisho, si looga arrinsado khilaafaadka taagan.

Guddigan oo ay dhistay xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa hoggaaminayo wasiira cadaaladda iyo dastuurka Xasan Macallin, kaas oo maanta bilaabay kulamo hordhac ah oo la xiriira gogosha Wadatashiga ee uu dhigay madaxweyne Xasan Sheekh.

Warsaxaafadeed uu soo saaray guddiguaayaa waxa uu ku sheegay in maanta uu la shiray culimada iyo bulshada rayidka ah, isla markaana uu dhageystay talooyinkooda ku aadan shirka wayn ee u dhexeeya Villa Somalia iyo mucaaradka.

Inta uu socday shirka dhinacyadan ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin midnimada dalka, amniga, dagaalka Al-Shabaab, dhammaystirka Dastuurka, hannaanka Doorashada iyo xaaladda abaaraha ka jira dalkeenna.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa horay casuumad rasmi ah u fidisay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo casuumadda aqbalay, kadib bayaan ay dhawaan ay soo saareen.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed asagoo ka duulaya xaaladaha kor ku xusan, tixgelina siinaya caqabadaha baaxadda leh ee dalkeenna horyaalla wuxuu wadatashi dheer kadib go’aansaday in Goluhu aqbalo gogosha ay dhigtay DFS, si looga hortego firaaq dastuuri ah loona helo xal loo dhan yahay oo badbaadinaya dowladnimada iyo midnimada dalka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, wuxuu Golaha Mustaqbalka dalbaday in shirka uu u dhaco jawi leh kalsooni iyo niyadsami, wada-hadalladuna ay noqdaan kuwa miradhal ah.

Waxaa kale oo uu soo jeediyay;-

  • In uu gebi ahaanba madaxweynuhu joojiyo wax ka beddalka Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka ee 2012-kii.
  •  In ajendayaasha laga wadahadlo ay yihiin kuwa mudnaanta koowaad u leh xaaladda xaaladda hadda jirta dalka sida,

1-Amniga, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish. 2- In heshiis loo dhan yahay laga gaaro hannaan doorasho oo ay ku dhacdo doorashada hay’adaha Dowladda Federaalka ah. 3- Xaaladda Midnimada iyo wadajirka dalka 4- Xaaladda abaaraha ka jira Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa wajaheysa loollan waqtiyeed, iyadoo muddo-xileedka hay’adaha dowladda lagu wado inuu dhammaado bartamaha bisha May ee sanadkan. Ismari-waaga ugu weyn ayaa salka ku haya nuuca doorasho ee dalka ka dhacaysa.

- Advertisement -

Read more

Local News