Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Midowga Yurub oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Wafdigan oo uu hoggaaminayo General Seán Clancy guddoomiyaha Golaha Ciidanka Xoogga ee Midoowga Yurub (CEUMC), ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah safiirka Midoowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Marwo Francesca Di Mauro, iyo Madaxa Qaybta Bariga Afrika ee Adeegga Arrimaha Dibadda Midowga Yurub (EEAS), Jonas Jonsson.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta Midowga Yurub iyo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan taageerada Midowga Yurub ee ku aaddan amniga iyo la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah iyo xasilloonida Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wafdiga la-wadaagay dadaallada dowladda ee dib-u-xoraynta deegaannada ay ku suganyihiin kooxaha argagixisada ah iyo xaqiijinta amniga guud ee dalka oo maraya meel aad u sareysa taasi oo ku timid wada-shaqaynta hey’adaha amniga iyo shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay dardargalinta howlaha dimuqraaddiyadda iyo in dadweynaha Soomaaliyeed loo celiyo awoodda si ay u doortaan madaxdooda.
Wafdiga ayaa dhankooda sheegay in ay ka go’an tahay taageerada hey’addaha amniga, tababbarka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska, gaar ahaan arrimaha siyaasadda.
Sidoo kale waxay sheegeen in ay soo dhowaynayaan gogosha ay fidisay xukuumadda Dan-Qaran, taas oo ay sheegeen in dhinacna uusan haysan wax cudurdaar ah oo uu gogosha kaga maqnaado.
Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub, sidii ay u garab istaageen midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ilaalinta, madax-bannaanida dhuleed ee dalka iyo taageerada arrimaha gargaarka bani’aadantinimo.






vv









