Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno metalaya Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa galabta shir uga furmay magaalada Muqdisho.
Shirkan oo ka socda hoteel Jazeera ayaa waxaa labada dhinac kala hoggaaminaya Wasiirka Caddaaladda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macalin iyo Xildhibaan Cabdullaahi Carab.
Waxaa sidoo kale shirka ka qayb-galay Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS, Cali Xoosh, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Balcad iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada dhinac.
Ujeeddada kulankan ayaa ah diyaargarowga shirka la qorsheeyay inuu qabsoomo 1-da Febraayo, kaas oo ay Muqdisho ku yeelan doonaan Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka iyo mas’uuliyiinta Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan Puntland iyo Jubbaland.
Ka hor kulanka galabta, Guddiga dowladda ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaybo ka mid ah bulshada iyo saamileyda siyaasadda dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 19-kii bishaan ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran, iyadoo casuumaad loo diray madaxda ku bahoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa casuumad rasmi ah u fidisay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Si kastaba, Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan muujinaya inay diyaar u yihiin heshiis laga gaaro khilaafka kala dhaxeeya siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar kamid maamul gobolleedyada.

