28.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Madaxweyne Trump oo si yaab leh uga hadlay weerarkii lagu qaaday Ilhaan Cumar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si lama filaan ah u soo jeediyay eedeyn aan wax caddeyn ah loo hayn, isagoo sheegay in xildhibaanad Ilhaan Cumar ay iyadu soo abaabushay, “oo ay jishay” dhacdadii habeenkii Talaadada ee nin uu dareere ku weeraray xilli ay ku sugnayd kulan dadweyne. 

Mar uu la hadlayay telefishinka ABC News, Trump ayaa yiri: “Kama fekero iyada. Waxaan u arkaa inay tahay qof beenaale ah. Malaha iyadaa ka dambeysay in lagu weeraro dareeraha, maadaama aan aqaan dabeecaddeeda.”

Markii la weydiiyay inuu daawaday muuqaalka dhacdada, Madaxweynaha ayaa ku jawaabay: “Ma aanan arkin. Maya, maya. Waxaan rajeynayaa in aanan isku dhibin daawashadiisa.”

Hadalka Trump ayaa ku soo beegmay xilli muuqaallada tooska ah ee kulanka (livestream) ay si cad u muujinayeen ninka oo taagan, kuna qeylinaya Ilhaan Cumar, ka hor inta uusan ku buufin dareere aan la garanayn, kadibna ay ciidamada amniga iyo dadweynihii goobta joogay dhulka dhigeen. Xilligaas, Ilhaan waxay ku baaqaysay in Xoghayaha Amniga Gudaha, Kristi Noem, ay is-casisho kadib dilal la xiriira hay’adaha socdaalka oo ka dhacay Minneapolis.

Jawaabta adag ee Ilhaan Cumar 

Xildhibaanad Ilhan Cumar, oo aan dheg jalaq u siin isku-dayga cabsi gelinta, ayaa si dhiirranaan leh u sii wadatay kulankeeda kadib hakad kooban. “Doqomadan nagama hor istaagi doonaan shaqadeenna,” ayay tiri Ilhaan oo adeegsatay erayo kulul xilligii dhacdada.

Mar dambe ayay barteeda X (Twitter) soo dhigtay qoraal ay ku muujinayso adkaysigeeda: “Waan fiicanahay. Waxaan ahay qof soo badbaaday, sidaa darteed daandaansiga ninkan yar igama hor istaagi doono shaqadayda. Waxaan ka soo badbaaday dagaal, hubaalna waan ka badbaadayaa cagajugleynta iyo wax kasta oo dadkani u maleynayaan inay igu tuuri karaan, sababtoo ah sidaas ayaa la ii abuuray.”

Waxa ay intaas ku dartay: “Uma ogolaado inuu ii guuleysto qofka cagajugleynta wada. Waxaan u mahadcelinayaa dadka deegaankayga ee garab istaagga ii muujiyay.”

Weerarka afka ah ee Trump   

Madaxweyne Trump ayaa marar badan weeraro cunsuriyadeed iyo naceyb xambaarsan ku qaaday Ilhaan Cumar oo ah Soomaaliga kaliya ee ku jira Koongareeska. Saacado ka hor inta uusan dhicin weerarka jireed ee Talaadada, Trump oo khudbad ka jeedinayay Iowa ayaa yiri: “Waxay ka timid dal masiibo ah. Waxaan u maleynayaa inuu yahay dalka ugu xun. Xitaa waddan ma aha.”

Si kastaba ha ahaatee, Booliska Minneapolis ayaa xaqiijiyay in dhacdadu aysan ahayn mid la jilay. Bayaan ay siiyeen wargeyska The Hill, ayay ku sheegeen in saraakiishu arkeen 55-jir lagu magacaabo Anthony Kazmierczak oo saliinge u isticmaalaya inuu dareere ku buufiyo Ilhaan.

“Ninkaas isla markiiba waxaa xiray saraakiisha booliska Minneapolis, waxaana lagu xiray Xabsiga Hennepin County, iyadoo lagu soo oogayo dacwad weerar heerka saddexaad ah,” ayuu yiri afhayeenka booliska.

Ciidanka Ilaalada Capitol-ka Maraykanka (USCP) ayaa dhankooda dhacdadan ku tilmaamay “go’aan aan la aqbali karin oo lala tiigsan doono caddaalad degdeg ah,” iyagoo sheegay inay kala shaqeynayaan hay’adaha federaalka sidii ninkaas loogu qaadi lahaa dacwadda ugu adag.

Cambaareynta xisbiga Jamhuuriga

Inkastoo Trump uu shaki geliyay dhacdada, haddana xildhibaanno dhowr ah oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga (GOP) ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka.

Xildhibaan Mike Lawler (R-N.Y.) ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri: “Waxa ka dhacay kulanka Ilhaan Cumar… waa wax aan gebi ahaanba la aqbali karin. Iyadoo aan loo eegin aragtiyaha siyaasadeed, waa inaan ku heshiinnaa in dhaqankan uu yahay mid xad-gudub ah oo aan loo dulqaadan karin.”

Dhacdadan ayaa imaanaysa xilli Ciidanka Capitol-ka ay sheegeen inay baarayaan ku dhawaad 15,000 oo kiis oo la xiriira hanjabaado iyo dhaqammo halis ah oo lala beegsaday xildhibaannada sannadkan, taas oo muujinaysa koror weyn oo dhanka amniga ah.

- Advertisement -

Read more

Local News