27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Soomaaliya oo heshiis ku kacaya in ka badan $100 milyan la saxiixatay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa magaalada Muqdisho ku saxiixay heshiis ku kacaya €102 milyan.

Heshiiskan ayaa waxaa si wadajir ah qalinka ugu duugay madax sare oo ka socotay Midowga Yurub, gaar ahaan Xafiiska EU ee Soomaaliya iyo Xafiiska Xiriirka Caalamiga ah ee EU iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu kamid yahay Wasiirka Maaliyadda.

Taageerada maaliyadeed ee Midowga Yurub ayaa loogu tala-galay taageeridda geeddi-socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya, xoojinta hay’adaha dowladda, iyo hirgelinta mudnaanta horumarineed ee Qaranka.

Ka hor saxiixa heshiiskan, Madaxda sare ee Midowga iyo mas’uuliyiinta ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Maaliyadda, Biixi Imaan Cige, iyo Wasiirka Qorsheynta Qaranka, Maxamuud Cabdiraxmaan (Beene Beene) ayaa yeeshay kulan mira-dhal oo horseeday saxiixa taageeradan maaliyadeed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub, horumarinta dhaqaalaha dalka, iyo taageerada kabka miisaaniyadda ee ay EU si joogto ah ugu garab istaagto Dowladda Soomaaliya, iyada oo la raacayo hannaan wada-shaqeynta labada dhinac.

Sidoo kale, dhinacyada ayaa adkeeyay muhiimadda in taageeradan loo adeegsado si hufan, loona waafajiyo qorshaha horumarinta qaranka, si loo xaqiijiyo natiijooyin waara oo wax ku ool ah oo ay si toos ah uga faa’iideystaan shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka labada dhinac kadib, waxaa la sameeyay munaasabadda saxiixa taageerada maaliyadeed ee Midowga Yurub. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kabka miisaaniyadda, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata kobaca iyo mashaariicda horumarinta dhaqaalaha.

- Advertisement -

Read more

Local News