27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

South Africa iyo Israel oo cayrinta safiirada ku kala aargutay – Sidee wax u dhaceen?

Bookmark
Bookmarked

Share

Cape Town (Caasimada Online) – Koonfur Afrika ayaa waddanka ka cayrisay diblomaasigii ugu sarreeyay Israa’iil ee dalkaas, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay xeerarka diblomaasiyadda, isla markaana uu jeediyay hadallo aflagaado ah oo ka dhan ah Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa.

Ariel Seidman, oo ahaa chargé d’affaires-ka safaaradda Israa’iil, ayaa lagu dhawaaqay persona non grata amd ‘dalkan lagaama rabo’waxaana lagu amray inuu dalka ka baxo 72 saacadood gudahood, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika.

Waxaa lagu eedeeyay inuu baraha rasmiga ah ee dowladda u adeegsaday weerarro uu ku qaaday Madaxweyne Ramaphosa, isla markaana uu u soo casuumay saraakiil Israa’iili ah Koonfur Afrika isaga oo aan oggolaansho ka haysan dowladda.

Xidhiidhka u dhexeeya labada dal ayaa ahaa mid aad u xumaa tan iyo markii Koonfur Afrika ay ku eedeysay Israa’iil dambiga xasuuqa (genocide) ee Falastiiniyiinta kana gudbisay dacwad Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ) — eeddaas oo ay Israa’iil si buuxda u beenisay.

Saacado kaddib, Israa’iil ayaa ku dhawaaqday tallaabo la mid ah midda ay samaysay Koonfur Afrika, iyada iyaduna soo caydhisay safiirkii dalkaas u joogay Koonfur Afrika.

Wakiilka Koonfur Afrika ee dalka Israel, ayaa lagu magacaabaa Shaun Edward Byneveldt.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar oo si adag uga jawaabay tallaabadaas, ayaa ku dhawaaqay in — “kaddib weerarrada been-abuurka ah ee Koonfur Afrika ka geysanayso Israa’iil fagaaraha caalamiga ah, iyo tallaabada hal-dhinac ah ee aan salka lahayn ee laga qaaday” Seidman — in sidoo kale Shaun Edward Byneveldt, wakiilka Koonfur Afrika ee Israa’iil, lagu dhawaaqay persona non grata, laguna amray inuu Israa’iil ka baxo 72 saacadood gudahood.

Dowladda Israa’iil ayaa BBC-da u sheegtay in “tallaabooyin dheeraad ah la tixgelin doono waqtiyada soo socda.”

Isha: BBC

- Advertisement -

Read more

Local News