Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta lugaha la gashay gashay fadeexad wayn, kadib warbixin ay ka qortay safar uu saaka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tegay gudaha magaalada Jigjiga ee caasimada dowlad-dowlad deegaanka Soomaalida.
Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed oo qoraalkan daabacay ayaa adeegsaday magada dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana aad u dhibsaday qaar kamid ah dadka Soomaaliyeed oo si weyn uga fal-celiyay qoraalkaasi.
“Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sidoo kale soo gaaray Jigjiga. Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa qeyb ka ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Jaamac iyo masuuliyiin kale, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mudane Mustafe Cumar ayaa hoggaaminaya soo dhaweynta bulshada deegaanka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xasan Sheekh iyo madaxweyne, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Jigjiga u tegay xarrig jarka xarumaha Dalxiiska ee laga hirgeliyay deegaanka Shabeelow ee dowlad-deegaanka, halkaas oo maanta lagu qabanayo munaasabad wayn oo ay ka qayb-galayaan madax kala duwan.
Haddaba waxaa arrintaan dood culus ka keenay qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyay in Jigjiga la hoos geeyo Itoobiya, maadaama ay tahay dhul Soomaaliyeed oo horay loogu waayay halyeeyo Qaran.
Cabdullahi Xasan: “Dolwad Deegaanka Soomaalida maa iskaaga gaabsataan?, Itoobiya maa isleedihiin ku raaligeliya ayagaaba ogolee”.
Faarax Xiirey: “Waxaaas inaa sheegtaan maahan Tv Qaran ayaa tihiin, Hassan iyo Qaranka waa ku ceeeb”.
Cabdirashiid Shaakir Xuseen: “Xarunta Dawlad Deeganka Soomaalida, Not Ethiopia”.
Umulkheyr Cali: “Waa nasiib xumo in uu madaxweynaheenna tago dhul Soomaaliyeed oo xoog lagu heysto”.
Maxamed Axmed: “Aaway midnimadii Soomaaliyeed oo loo barooranayay?, Jigjiga immisa wiil Soomaaliyeed ayaa ku naf-waayay sidii loo xoreyn lahaa”.

