24.9 C
Mogadishu
Sunday, February 1, 2026

Fariin Diblomaasiyadeed: DF oo magaca Itoobiya ka reebtay safarka Xasan ee Jigjiga

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jigjiga (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo looga hadlayey safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee magaalada Jigjiga ayaa dhaliyey hadal-hayn xooggan iyo fasiraado kala duwan oo dhanka dublamaasiyadda ah, kaddib markii qoraalka rasmiga ah laga dhex waayey magaca dalka “Itoobiya” iyo kan “Ismaamulka Deegaanka Soomaalida.”

Tallaabadan, oo ay dadka odorosa siyaasadda Geeska Afrika ku tilmaameen mid “si ula-kac ah loo qorsheeyey” ayaa ku soo aadaysa xilli xasaasi ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Jigjiga kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen wafuud ka socotay Kenya iyo Jabuuti. Ujeeddada ugu weyn ee kulanka ayaa ahayd xarig-jarka xarun dalxiis oo loogu talagalay in lagu soo jiito dakhli, taasoo laga hirgeliyey dhulka Soomaalida ee ay Itoobiya maamusho.

Si kastaba ha ahaatee, qaab-dhismeedka qoraalka ka soo baxay Villa Somalia ayaa loo arkaa mid xambaarsan farriin culus. Qoraalka laguma xusin in dhulka la tagay uu ka tirsan yahay Itoobiya, taa beddelkeedana waxaa diiradda la saaray magaca “Jigjiga” iyo “Madaxda Gobolka” oo keliya.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiil-waal ee magaalada Jig-jiga ayaa halkaas kulammo kula qaatay Ra’iisul Wasaare Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweyne Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Madaxda Gobolka ayaa Jigjiga kaga arrinsanaya xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika, xal u helidda caqabadaha taagan iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay mudnaanta siinayso xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo adkaynta midnimada iyo qarannimada Soomaaliya.”

“Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Jigjiga waxa uu ka qeyb galayaa xarig-jarka Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Deegaanka Soomaalida, kuwaas oo waxtar leh dhaqaalaha iyo adeegyada Gobolka.” 

Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in tallaabadan ay jawaab toos ah u tahay xiisadda ka dhalatay damaca Itoobiya ee ku aaddan badda Soomaaliya.

Sannadkii 2024-kii, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Itoobiya ay haysato dhul ka mid ah Soomaaliya, isagoo ula jeeday Deegaanka Soomaalida.

Maqnaanshaha magaca “Itoobiya” ee bayaankan ugu dambeeyey ayaa loo fasirtay in Muqdisho aysan dareensanayn mas’uuliyad qaanuuni ah oo ka saaran inay qirto madaxbannaanida Itoobiya ee gobolkaas, haddii Addis Ababa ay sii waddo xiriirka gaarka ah ee ay la samaynayso Somaliland si ay u hesho marin-badeed.

Inkastoo luuqadda dublamaasiyadeed ay adkayd, haddana Madaxtooyada Soomaaliya waxay sheegtay in Madaxweynaha iyo madaxda kale ay Jigjiga kaga wada hadleen arrimaha amniga iyo xaaladda siyaasadeed ee Geeska Afrika.

Safarkan iyo qaabka loo soo bandhigay ayaa muujinaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay beddeshay taatikada xiriirka ay la leedahay Itoobiya, iyadoo adeegsanaysa kaararka siyaasadeed ee gacanteeda ku jira si ay u difaacdo madaxbannaanida dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News