Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Gurmadka Qaranka ayaa kulan degdeg ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayay xaaladda abaarta ka jirta dalka.
Kulankan ayaa waxaa guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaranka, ahna Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir.
Kulanka waxaa ka qayb-galay Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA) Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Qaranka, mas’uuliyiin heer federaal ah, madax kale oo dowladeed, culimo iyo ganacsato, kuwaas oo dhammaantood muujiyay doorkooda ku aaddan gurmadka iyo taageerada dadka ay saameysay abaartu.
Intii uu socday kulanka, waxaa lagu soo bandhigay warbixinadii ugu dambeeyay ee xaaladda abaarta dalka, kuwaas oo muujinaya in abaartu gaartay heer aad u liita, isla markaana saameyn ba’an ku yeelatay nolol-maalmeedka bulshada, nolosha dadka iyo xoolaha.
Mas’uuliyiinta kulanka ka qayb-galay ayaa adkeeyay baahida loo qabo dardar-gelinta gurmadka qaranka, xoojinta iskaashiga hay’adaha dowladda, culimada iyo ganacsatada, si si degdeg ah oo wadajir ah wax looga qabto saameynta abaarta loona badbaadiyo bulshada nugul.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in la gaaray waqti adag oo nolosha dadka iyo xoolaha halis ku jirto.
Wuxuu ku baaqay in qof walba ka qeyb qaato gurmadka degdegga ah, gaar ahaan ururinta taageero dhaqaale iyo naf-badbaadin.
Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaranka ayaa xaqiijiyay in dowladda ay mudnaan gaar ah siinayso gurmadka abaarta, isla markaana ay sii wadi doonto dadaallada qaran iyo kuwa caalami ah ee lagu yareynayo saameynta masiibooyinka dabiiciga ah.













