Abu Dubai (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) ayaa ka faa’iideystay fursadda uu ka helay Dalka Imaaraadka Carabta oo ku casuumay Shir-weynaha Dawladaha Adduunka (World Governments Summit) oo lagu qabtay Abu Dubai, wuxuuna halkaas ka dhex bilaabay dhaq-dhaqaaqyo ku aadan aqoonsiga Somaliland.
Cabdiraxmaan Cirro iyo wafdigiisa ayaa xalay ka qayb-galay casho sharaf ka qabsoontay magaalada Abu Dubai, taas oo ay ka soo wada-qaybgaleen Prince Edward, Duke of Edinburgh, oo ah Boqorka UK, King Charles III walaalkii.
Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in cashadan ay muujisay heerka sare ee is-dhexgalka diblomaasiyadeed, ixtiraamka caalamiga ah, iyo wada-shaqeynta saaxiibtinimo ee u dhaxaysa Jamhuuriyadda Somaliland iyo Boqortooyada Midowday Ingiriiska (United Kingdom).
Sida oo kale, waxa ay iftiimisay xidhiidhka taariikhiga ah ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dhinac, kaas oo saldhig u ah iskaashi ku dhisan kalsooni iyo is-ixtiraam, sida lagu sheegay bayaanka.
Waxaa kale oo Kulanka casho sharafta ah isaguna ka soo qayb galay Sir Gavin Williamson MP oo ah Mudane ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Dalka Ingiriiska isla markaana si weyn ugu ololeeya aqoonsiga Somaliland.
Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa milgo iyo qaddarinba leh ugu mahad naqay Sir Gavin Williamson garab-istaaggiisa joogtada ah ee uu siiyo dalka iyo dadka Somaliland, isaga oo had iyo jeer qaddiyadda Somaliland ka dhex muujiya Fagaarayaasha Siyaasadeed ee Caalamiga ah.
“Kulankan ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga dhinacyada kala ah dawladnimada, horumarinta, amniga, iyo xidhiidh bulsho ee u dhexeeya shacabka labada dal, iyada oo la muujiyay rabitaanka wadajirka ah ee lagu hormarinayo dano-wadaag ah iyo mustaqbal waara” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.
Dhanka kale, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu hoosta ka xarriiqay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay ‘dal ay ka go’an tahay’ mabda’a nabad-ku-wada noolaansho, wada-hadal, is-ixtiraam iyo iskaashi caalami ah.
“Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay mar kale caddaysay doorkeeda firfircoon ee ay kaga jirto Saaxadda Diblomaasiyadda Caalamiga ah, iyada oo sii xoojinaysa xidhiidhada ay la leedahay saaxiibada caalamka, gaar ahaan Boqortooyada Midowday Ingiriiska ee UK” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.


