27.9 C
Mogadishu
Sunday, April 26, 2026

Macawiisleyda iyo ciidanka DF oo jidka u galay Shabaab – Maxaa dhacay maanta?

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal ay maanta si wadajir ah u qaadeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Macawiisleyda ee ku sugan gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka oo dhabagal ahaa ayaa ciidamada waxa ay ku beegsadeen maleeshiyo ka tirsan kooxda oo ku socday deegaanka Waabweyn, halkaas oo ay biyo doonteen, waxaana goobta lagu gaarsiiyay khasaare dhimasho leh.

Ugu yaraan lix xubnood ayaa goobta lagu dilay, iyada oo sidoo kale la burburiya gaari booyad ah oo ay wateen xilliga uu dhacayay weerarka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa saaka fuliyey weerar dhabagal ah oo ka dhacay gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday koox Khawaarij ah oo la socotay gaari booyad ah, waxaana halkaas lagu dilay ugu yaraan lix dhagarqabe” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale saraakiisha hormuudka u ahaa weerarka ayaa sheegay inuu dhacay sidii loo qorheeyay, isla markaana uu guul kusoo dhammaaday.

“Howlgalkaas ayaa ka dhacay deegaanka Waabweyn ee gobolka Hiiraan, Ciidamada ayaa jidka ugalay dhagarqabayaasha la dilay oo biyo u soo doontay deegaanka, saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkaasi uu u dhacay sidii loo qorsheeyey” ayaa lasii raaciyay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weli xaaladdu ay kacsan tahay, isla markaana ciidamada dowladda iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka ay sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadkii ka cararay goobta la weeraray.

Ujeedka howlgalkan ayaa ahaa ka hortegga abaabulka ay Khawaarijta ka waddo Hiiraan, si loo curyaamiyo damaceeda isku ballaarinta ee gobolka.

Kooxda ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay isku fidineysay deegaannada HirShabelle, gaar ahaan deegaannadii horay looga qabsaday kadib culus ay soo saartay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee maamulkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News