27.9 C
Mogadishu
Sunday, April 26, 2026

Xasan oo shaaciyey qorshe 3 weji ah oo lagu fashilnayo aqoonsiga Israa’iil ee S/L

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Riyadh (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaca ka qaaday istiraatiijiyad saddex-waji leh oo dowladdiisu ku doonayso inay ku fashiliso go’aankii ay Israa’iil dhawaan ku aqoonsatay maamulka Somaliland.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in Muqdisho ay xiriir dhow iyo iskaashi toos ah la leedahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo quwadaha kale ee gobolka si loo go’doomiyo jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida.

Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya ay waddo dadaal diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo mowqif mideysan oo Carabta, Islaamka iyo Afrikaanku ay kaga soo horjeedaan tallaabada uu ku tilmaamay “mid aan laga fiirsan” oo ay qaadday Israa’iil.

Dhaq-dhaqaaqan diblomaasiyadeed ayaa imaanaya kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu dhammaadkii sannadkii 2025-ka ku dhawaaqay inay Somaliland u aqoonsadeen dal madax-bannaan—tallaabo ay dowladda Soomaaliya ku tilmaamtay xad-gudub qaawan oo lagu sameeyay midnimada iyo madax-bannaanida dhulkeeda, taas oo abuuri karta cawaaqib xumo ku baahda meel ka baxsan Geeska Afrika.

“Waxaan si cad oo aan gabasho lahayn u xaqiijinayaa in aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland uu yahay xad-gudub qaawan oo lagu sameeyay qaranimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu ku dooday in aqoonsigani aanu ahayn mid astaan uun ah, balse uu qayb ka yahay qorshe ballaaran oo Israa’iil ay ku doonayso inay galaangal milateri iyo mid siyaasadeed ku yeelato marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Baab-al-Mandab. Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaaliya aanay aqbali doonin inay noqoto masraxa lagu xalliyo colaadaha laga soo waarido dalalka shisheeye.

Qorshaha saddexda waji

Madaxweynaha ayaa faahfaahin ka bixiyay qorshaha saddexda waji ee dowladdiisu dajisatay:

Wajiga koowaad: Waa abaabulka cadaadis sharci iyo mid diblomaasiyadeed oo loo marayo Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC). Maadaama Soomaaliya ay hadda xubin ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Madaxweynuhu waxa uu xaqiijiyay inay dalbadeen fadhi rasmi ah oo looga hadlo arrintan, taas oo uu ku tilmaamay guul diblomaasiyadeed.

Wajiga labaad: Waa dhismaha mowqif mideysan oo “Carab, Islaam iyo Afrikaan ah.” Madaxweynaha ayaa si gaar ah u bogaadiyay doorka Boqortooyada Sacuudiga, isagoo xusay taageerada Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis iyo Dhaxal-sugaha Maxamed bin Salmaan. Waxa uu hoosta ka xariiqay in ilaalinta midnimada Soomaaliya ay si toos ah ula xiriirto amniga guud ee Badda Cas.

Wajiga saddexaad: Waa wada-hadal qaran oo gudaha dalka ah, kaas oo lagu xallinayo tabashooyinka jira, iyadoo ujeeddadu tahay in la wiiqo doodda gooni-goosadka, lana xaqiijiyo in khilaafaadka lagu dhammeeyo qaab dastuuri ah iyo hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Muhiimadda Baab-al-Mandab  

Xasaasiyadda gobolka ayaa sii kordhaysa marka la eego istiraatiijiyadda marin-biyoodka Baab-al-Mandab, oo ah halka ay isaga kala gooshaan maraakiibta ganacsiga caalamiga ah iyo kuwa shidaalka xambaara.

Marin-biyoodkan, oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadan, waa halbowle ay marto qiyaastii 12% ganacsiga dunida. Joogitaanka quwado shisheeye oo iska soo horjeeda, gaar ahaan galaangalka cusub ee Israa’iil, ayaa la aaminsan yahay inuu wax ka beddeli karo dheelitirka awoodda gobolka, isla markaana uu halis gelin karo danaha dalalka Carabta ee xeebaha ku yaalla sida Masar iyo Sacuudiga.

Tani waa sababta ay Soomaaliya uga digayso in aqoonsiga Somaliland aanu ahayn arrin maxalli ah oo qura, balse ay tahay mid saamayn ku leh amniga caalamiga ah.

Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, ayaa dhisatay hay’ado dowladeed iyo hannaan doorasho, iyadoo dhawaan Madaxweyne u dooratay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi “Cirro”. Inkasta oo ay ku naaloonayso xasillooni ka duwan tan Koonfurta Soomaaliya, haddana weli ma ay helin aqoonsi caalami ah oo ballaaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoon si toos ah u magacaabin dalal gaar ah, ayaa digniin u diray jilayaasha gobolka ee eeganaya “danaha gaaban,” hadalkaas oo loo fasirtay fariin ku socota dalalka xiriirka ganacsi la leh Somaliland, sida Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya.

Waxa uu tusaale u soo qaatay burburka iyo kala-qaybsanaanta ka jirta Suudaan iyo Yemen, isagoo ka digay in haddii aan laga hortagin qorshahan, ay “dabka ku sii shidi karto” dalalka Badda Cas, oo ay ku jiraan Masar iyo Urdun.

- Advertisement -

Read more

Local News