Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Jaamacadda Carabta, kaas oo oo uu hoggaaminayay Dr. Maxamed Walad Acmar, Xoghayaha Guud ee ALECSO (Hey’adda Jaamacadda Carabta u qaabilsan waxbarashada, dhaqanka iyo culuumta).
Labada dhinac ayaa kulankooda uga wada-haday xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, dhaqanka, culuumta, kobcinta iyo kor u qaadidda luqadda Carabiga.
Inta uu socday kulanka Ra’iisul Wasaaraha, ayaa wafdiga siiyay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee dalka, horumarka ballaaran ee ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dib-u-dhiska hey’adaha, iyo sidoo kale dadaallada lagu tayeynayo nidaamka waxbarashada dalka.
Dhankooda, wafdiga Jaamacadda Carabta ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado iskaashiga waxbarasho, iyaga oo xusay in Soomaaliya ay dib u soo ceshatay kaalinteedii ururrada waxbarashada caalamiga ah.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in la sameeyay horumar muuqda oo lagu tayeynayo heerarka waxbarashada dalka, iyaga oo caddeeyey in Jaamacadda Carabtu diyaar u tahay in ay bulshada Soomaaliyeed siiso fursado iyo deeqo waxbarasho oo kala duwan.
Dhanka kale waxaa kulankan lagu qaaday sidii kor loogu sii qaadi lahaa horumarinta luqadda Carabiga oo ah luqadda labaad ee dalka, isla markaana leh mudnaan gaar ah marka loo eego doorka ay ku leedahay aqoonta, diinta Islaamka iyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dunida Carabta.
Booqashada wafdigan uu hoggaaminaya Xoghayaha Guud ee ururka u qaabilsan Waxbarashada, Dhaqanka iyo Cilmiga, Dr. Maxamed Walac Acmar ayaa ku soo beegantay 52 sano kadib markii ay Soomaaliya xubin ka noqotay Ururka Jaamacadda Carabta, waxayna horay ula kulmeen Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir
Imaatinka wafdigan ayaa sidoo kale salka ku haya indho-indheynta xaaladda dalka iyo sidii loo yeelan lahaa xiriir dhinacyo badan oo u dhaxeeya maamulka ururka iyo wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.


