29.2 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Loolanka Imaaraadka iyo Sacuudiga oo hareeyey shir madaxeedka Midowga Afrika

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Loolanka u dhexeeya Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ee ka aloolsan Geeska Afrika ayaa mugdi gelinaya shir-madaxeedka Midowga Afrika ee toddobaadkan, inkastoo inta badan hoggaamiyeyaasha qaaraddu ay isku dayi doonaan inay ka fogaadaan inay la saftaan dhinac gaar ah.

Wax markii hore ka billowday xifaaltan ka socda dalka Yemen ayaa haatan kusoo fiday Badda Cas, isagoo gaaray gobol ay aafeeyeen colaado kala duwan – laga soo bilaabo dagaalka Soomaaliya iyo Suudaan illaa loolanka u dhexeeya Itoobiya iyo Ereteriya iyo dalka Liibiya oo kala qeybsan.

Sanadihii ugu dambeeyay, Imaaraadka ayaa noqday jilaa saameyn xooggan ku leh Geeska Afrika – gaar ahaan dalalka Suudaan, Soomaaliya, Itoobiya, Ereteriya, iyo Jabuuti – isagoo adeegsanaya maalgashi gaaraya balaayiin doollar, diblomaasiyad adag iyo taageero milateri oo hoose.

Sacuudiga ayaa ahaa mid aan buuq badneyn, balse diblamaasiyiintu waxay sheegayaan in Riyaad ay dhisayso isbaheysi ay ku jiraan Masar, Turkiga iyo Qadar.

“Sacuudigu wuu soo baraarugay wuxuuna xaqiiqsaday inay lumin karaan gacan ku haynta Badda Cas,” ayuu yiri diblamaasi sare oo Afrikaan ah oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters. “Way hurdeen muddadii uu Imaaraadku hawlihiisa ka waday Geeska Afrika.”

Markii hore, loolanku wuxuu diiradda saarayay Badda Cas iyo Gacanka Cadan – oo ah laba marin oo muhiim u ah gaadiidka badda – balse haatan wuxuu u siqayaa dhulka gudaha ah.

“Maanta waa Soomaaliya, balse sidoo kale waxay ka socotaa Suudaan, Saaxil iyo meelo kale,” ayuu yiri dublamaasigu.

Dhinac doorasho qasab ah

Inkastoo colaadahan ay leeyihiin sababo maxalli ah oo xooggan, faragelinta dowladaha Khaliijka ayaa dalalka, gobollada iyo xitaa hoggaamiyeyaasha kooxaha hubeysan ku qasbeysa inay kala saftaan dhinacyada is-haya, sida ay sheegeen diblamaasiyiintu.

Michael Woldemariam, oo ah khabiir ku takhasusay Geeska Afrika oo wax ka dhiga Jaamacadda Maryland, ayaa sheegay in jilayaasha gobolka, oo ay ku jiraan Ereteriya, Jabuuti, Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF), ay ka welwelsan yihiin siyaasadda arrimaha dibadda ee “muruqa weyn” ee Imaaraadka.

“Sacuudigu laga yaabee inuu raadiyo inuu xadido ama yareeyo saameynta Imaaraadka ee Geeska, balse waxay ku xiran tahay sida ay wax u dhacaan,” ayuu yiri. “Imaaraadku wuxuu gacanta sare ku leeyahay gobolka – wuxuu leeyahay joogitaan milateri oo xooggan iyo xiriirro dhaqaale oo culus.”

Saraakiisha Sacuudiga ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqyada Imaaraadka ee Yemen iyo Geeska Afrika ay khatar ku yihiin amniga qarankooda.

Saraakiisha sare ee Imaaraadku waxay ku doodayaan in istiraatiijiyadoodu ay xoojiso dowladaha si ay ula dagaalamaan xagjirka, halka khubarada Qaramada Midoobay iyo reer Galbeedku ku doodayaan inay mararka qaar huriso colaadaha, ayna awood siiso hoggaamiyeyaasha kali-taliska ah, eedeymahaas oo Imaaraadku beeniyo.

Saraakiisha iyo dublamaasiyiinta lagu wareystay warbixintan ayaa diiday in magacooda la shaaciyo xasaasiyadda arrinta awgeed.

Ka fogaanshaha dagaalka Khaliijka

Aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya ayaa ah tusaalaha ugu cad ee xiisadaha la hurinayo.

Soomaaliya ayaa jartay dhammaan xiriirkii ay la lahayd Abu Dhabi, iyadoo ku eedeysay inay saameyn ku lahayd aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland. Muqdisho ayaa tan iyo markaas heshiis difaac la gashay Qadar, halka Turkigu uu diyaarado dagaal u diray caasimadda si uu awood u muujiyo.

Xiisadaha ayaa sidoo kale u dhexeeya dalka martigelinaya Midowga Afrika ee Itoobiya iyo Ereteriya, kuwaas oo qarka u saarnaa dagaal muddo billo ah. Hoggaamiyaha Ereteriya ayaa dhowaan booqday Sacuudiga, safar ay falanqeeyayaashu u arkeen calaamad muujinaysa taageerada Sacuudiga.

Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa kala taageera dhinacyada iska soo horjeeda ee dagaalka Suudaan, sida ay sheegeen dhammaan ilo-wareedyada iyo khubarada la wareystay. Imaaraadka waxaa lagu eedeeyaa inuu taageero saadka ah siiyo ciidamada RSF, halka dowladaha la safan Sacuudiga ay u badan yihiin inay taageeraan SAF.

Masar, oo xulufo la ah Sacuudiga, ayaa la sheegay inay gaysay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga sameeyo xuduudda ay la wadaagto SAF, ayna u adeegsatay inay ku duqeyso RSF gudaha Suudaan, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Falanqeeyayaashu waxay sheegeen in Itoobiya ay ka faa’iideysato taageerada Imaaraadka, Reuters-na waxay toddobaadkan ogaatay in Itoobiya ay martigelineyso saldhig ku yaalla galbeedka dalkaas oo lagu qoro laguna tababaro dagaalyahannada RSF.

Itoobiya si fagaare ah kama aysan hadlin warkan.

Dagaalka adeegsiga wakiilada

Guud ahaan gobolka, Sacuudigu wuxuu inta badan ku dhaqmaa xulafada iyo wakiillada, halkii uu si toos ah u geli lahaa, sida ay khubaradu sheegeen.

Woldemariam ayaa sheegay in dalalka Afrika ay u badan tahay inay si taxadar leh u tallaabsadaan.

“Xitaa jilayaasha Geeska ee ka walaacsanaa saameynta Imaaraadka ayaa laga yaabaa inay ka taxadaraan inta ay doonayaan inay ku dhex milmaan dagaalka u dhexeeya labadan awoodood ee Khaliijka,” ayuu yiri.

Geeska Afrika ma ahan xiisadda kaliya ee ku jirta ajandaha shirka Midowga Afrika. Dagaal ayaa ka socda Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo (DRC), waxaana gobolka Saaxil ku fidaya kacdoonnada xiriirka la leh Al-Qaacida iyo Daacish.

Balse colaadahaas waxay u badan tahay inaysan ka muhiimsanaan doonin (take a back seat) tan Geeska Afrika.

Alex Rondos, oo ahaan jiray wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan gobolka, ayaa sheegay in Geeska Afrika uu noqday fagaare labaad oo ay ku loolamaan Bariga Dhexe.

“Sacuudiga iyo Imaaraadku ma si buuxda ayey u fahamsan yihiin cawaaqibka?” ayuu yiri. “Geeska Afrika ma ogolaan doonaa inuu u burburo loolankan shisheeye iyo xulafadooda Afrikaanka ah?”

- Advertisement -

Read more

Local News