29.9 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

Dawo: Sidee Axmed Madoobe iyo Saciid Deni loogu soo dhaweeyey Villa Somalia?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Maamul-goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo xubnaha kale ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa goordhow gudaha u galay Madaxtooyada Soomaaliya oo muddo dheer aysan cag saarin, sababo la xiriira khilaafka culus ee kala dhexeeya dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labada madaxweyne Axmed Madoobe iyo Saciid Deni si ballaaran ugu soo dhaweeyay dhismaha Xarunta Villa Somalia oo aad oo qurxiyay, intii ay ka maqnaayeen.

Sidoo kale, waxaa Madaxtooyada gaaray xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale, waxaa goordhow la filayaa inuu bilowdo shirka u dhexeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka, kaas oo diiradda lagu saari doono xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka taagan.

Dhinaca kale, waxaa maanta si weyn loo adkeeyay ammaanka caasimada, iyada oo la xiray inta badan jidadka gala Madaxtooyada, si loo sugo amniga guud, oo ay horay u damaanad qaaday dowladdu, kadib dalab ka yimid Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo muddo diidanaa in shirka lagu qabto Villa Somalia, balse dadaal dheer kadib aqbalay.

Taliyaha Nabad-sugidda ayaa qaatay doorka sugidda ammaanka, wuxuuna madaxda kasoo galbiyay xerada Xalane, kadibna wuxuu si nabad ah ku geeyay gudaha Villa Somalia oo loo qorsheeyay inay ka dhacaan wada-hadalladu.

Kulanka fumay ayaa  ku billowday hab-maamuus sare oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana sidoo kale goobjoog ah Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale Caasimada Online u xaqiijiyay in furitaanka shirka maanta kaliya looga hadli xaaladda guud ee dalka, kadibna loo gudbi doono ka doodista qodobada la isku waafaqsan yahay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in doodaha ugu adag ee la isku mari la’yahay, sida hannaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeel-gaarka ah, loo dib-dhigay maalinta berri ah iyo wixii ka dambeeya. Qodobadan ayaa ah xudunta khilaafka siyaasadeed ee hadda taagan, waxaana la filayaa in doodo kulul ay hareeyaan fadhiyada soo socda.

Qabsoomidda shirka maanta ee gudaha Xarunta Madaxtooyada ayaa loo arkaa guul siyaasadeed oo u soo hoyatay Villa Somalia, waxaase laga war dhowrayaa natiijada kasoo bixi doonto wada-hadallada bilaabanaya oo kusoo aaday xilli xasaasi ah.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirkan ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafyada ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska

- Advertisement -

Read more

Local News