29.9 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

Sawirro: Golaha Wasiirrada oo ansixiyay magacaabista…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Xubnaha  Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii caadiga aha ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo oo guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, iyada oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga iyo abaaraha ba’an ee saameeyay qaybo badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.

Ugu horreyn golaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda gurmadka bani’aadannimo iyo dardargelinta qorsheyaasha wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada iyo xaaladaha abaarta.

Intaas kadib Golaha Wasiirada ayaa ansixiyay magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed, waxaana loo magacaabay Mudane Liibaan Cabdi Cigaal, kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

Sidoo kale Golaha Wasiirrada ayaa shirkooda maanta ku ansixiyay Axdiyo iyo Siyaasado muhiim u ah horumarinta iskaashiga caalamiga ah iyo ilaalinta badaha, kuwaas oo kala ah;-

  1. Axdiga Caalamiga ah ee Asaasidda Sanduuqa Caalamiga ah ee Magdhowga Waxyeelada Wasakhaynta Shidaalka (1992).
  2. Axdiga Caalamiga ah ee Iskaashiga u Diyaargarowga iyo Ka Jawaabista Wasakhowga Saliideed (1990).
  3. Axdiga Caalamiga ah ee Xeerarka Kahortagga Isku-dhacyada Badda (1972).

Dhinaca kale, Golaha ayaa warbixinno ka dhagaystay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, kuwaas oo ku saabsanaa saameynta bacaadka uu ku yeeshay dalka, iyo xaaladda diyaaradaha ka howlgala gudaha Soomaaliya iyo tallaabooyin ay qaaday wasaaraddu oo shaqada lagaga joojiyey diyaarado dhamaystiri waayey shuruudihii looga baahnaa ee dhanka badqabka.

Sidoo kale, waxaa guddi loo saaray kasoo talo-bixinta iyo baarista tayada diyaaradaha iyo adeegyada ay bixiyaan, kuwaas oo golaha usoo bandhigi doona warbixin rasmi ah oo ku saabsan xaaladda diyaaradaha dalka.

Ugu dambeyn, Golaha, ayaa ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, taas oo hagaysa jihada iyo mudnaanta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo midka horumarineed ee dalka, si loo xaqiijiyo danaha Qaranka.

- Advertisement -

Read more

Local News