Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mar kale maalintii labaad oo xiriir ah baaqday shirkii loo ballansanaa inuu ka qabsoomo Villa Soomaaliya ee u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka, kaas oo Khamiistii ka furmay Villada, si loo bilaabo wadahadallada labada dhinac.
Shirka oo lagu waday in dib loo sii amba qaado maanta oo Sabti ah ayaa mar kale baaqday, waana maalintii labaad, iyada oo sababta lagu sheegay dood adag oo weli ka taagan qodobada qaar, waxaana haatan socda wada-tashiyo ay wadaan mucaaradka oo wada kulama gaar gaar ah.
Wararka ayaa sheegaya in ay guul-darraysteen isku-dayo la doonayey in ka hor miiska wadahadal ee Villa-Somalia la gaaro is-afgarad u dhexeeyo dowladda Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, waxaana jira is mari-waa xooggan oo labada dhinac ah.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, Kooxda Madaxtooyada ayaa weli ku adkaysaneysa hannaankeeda doorashooyinka qof iyo cod oo ka dhaca Dowladaha-hoose, halka xubanaha Golaha ay doonayaan in doorashooyin dadban marka hore laga qabto dowlad-goboleedyada aan doorashooyinka gelin kadibna Dowladda-Dhexe la qabto ka hor 15-ka May.
Dhanka kale, gelinka hore ee maanta oo Sabti ah Golaha Mustaqbalka ayaa yeelanaya shir-doceed ay kaga doodayaan qorshahooda Doorashooyinka Dowladda Dhexe iyo Dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle oo uu mar hore madaxdooda ka dhamaaday muddo xileedka, welina sii jooga xafiiska.
Si kastaba, ilaa hadda waxa laga hadlayo waa keliya doorashada dalka, waxaana weli harsan arrinta Dastuurka oo iyana dood ay ka qabaan Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka, maadaama ay haatan Villa Somalia ku howlan tahay wax ka beddalka.
Golaha Mustaqbalka ayaa hadda sii wada kulamadooda, waxaana habeen hore ay yeesheen shir muhiim ah oo ka dhacay xerada Xalane, iyaga oo isku raacay in shirka loo ballamay ee Villa Soomaaliya ay u diraan Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Kheyre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xildhibaan Cabdullaahi Carab
Xubnahaas ayaa qorshuhu yahay inay si gaar ah ula xaajoodaan Madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo meesha ka saaraysa in xubno kale oo ka tirsan dowladda ay qeyb ka noqdaan shirka berri.
Shirka la’isugu imaan doono ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, oo hadda miiska saaran, si xal looga gaaro, kadibna loo gudbo qodobada kale
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto xilli xasaasi ah, waxaana dalku wajahayaa abaaro baahsan iyo xaalado bani’aadannimo oo gaaray meeshii ugu xumeyd, taas oo saameysay qoysas badan oo danyar ah oo ku nool Koonfurta iyo bartamaha dalka.

