Muqdisho (Caasimada Onlne) – Waxaa mar kale maanta Xarunta Villa Soomaaliya ka furmay kulan labaad oo u dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Mustaqbalka, kaas oo looga hadlayo xaaladda siyaasadwed dalka.
Kulanka oo ah mid xasaasi, isla markaana dib uu dhacay laba jeer oo hore ayaa waxa guddoominayabmadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana sidoo kale goobjoog ah Ra’iisul wasaare Xamza, taliyaha NISA iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee xukuumadda Dan-Qaran.
Dhanka mucaaradka waxaa shirka qayb-galaya xubnaha Madasha Samatabixinta iyo madaxda Jubbaland iyo Puntland oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo goordhow gaaray gudaha xarunta Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Xasan Sheekh.
Labada dhinac ayaa maalmahan ku maqnaa wadatashiyo gaar gaar ah oo ku aadan wadahadalka, iyada Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu ka laabtay go’aankii ay horay ugu diideen in ay wada-hadal toos ah la galaan dowladda, waxayna meesha ka saaray guddigii gaarka ahaa ee ay u xil-saareen wada-xaajoodka, kadibna ku dhawaaqay in ay si buuxda uga qayb-geli doonaan shirka haatan ka socda xarunta Villa Soomaaliya
Sida qorshuhu yahay waxaa shirka maanta diiradda lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, gaar ahaan maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle oo muddo dhaaf ku fadhiya kuraasta.
Mucaaradka ayaa doonaya in la qabto doorashooyin heshiis lagu yahay, halka Dowladda Federaalka ay doorbideyso qabashada doorasho qof iyo cod ah.
Shirkan oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dalku wajahayo abaaro baahsan iyo xaalado bani’aadannimo ayaa waxaa si dhow ula socda Beesha Caalamka, oo cadaadis xooggan ku saartay dhinacyada inay xal ka gaaraan is-mari-waaga siyaasadeed.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirkan ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafaadka ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.



