Jilib (Caasimada Online) – Dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa maanta fagaare ku yaalla gudaha degmada Jilib ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe ku toogtay rag ay kooxdu ku eedeysay inay ahaayeen basaasiin u shaqeynayey sirdoonnada dowladaha Mareykanka yo Soomaaliya.
Toogashada si gaar ah uga dhacday goob fagaare ah oo lagu dilay 5 nin oo ay Shabaab ku eedeysay inay ahaayeen basaasiin ku dhex-jirtay kooxda.
Sidoo kale, waxa kooxdu sheegtay in raggan ay mas’uul ka ahaayeen duqeymo kala duwan oo lagu beegsaday mas’uuliyiin ka tirsan Al-Shabaab, kadibna xukun lagu riday ugu dambeyn maanta lagu fuliyay.
Fagaaraha lagu toogtay raggan waxaa sidoo kale ku suganaa dadweyne iyo saraakiil ka tirsan Khawaarijta oo hadda si buuxda gacanta ugu haysa Jilib.
Maalmo kahor ayay ahayd markii sidaan oo kale ay Al-Shabaa toogasho uga fuliyeen magaalooyinka Kunyobarrow iyo Bu’aale, halkaas oo lagu dilay rag kale oo iyana kooxda ay ku eedeysay inay ahaayeen basaasiin u shaqeynayay dalal shisheeye.
Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay kordhisay dilalka toogashada ah, iyadoo u fuliso hal qaab oo ah in fagaare ay ugu yeerto dadka shacabka ah, si ay ugu cabsi geliyo toogashadaasi.
Si kastaba, dhacdooyinkaan ayaa ku soo beegmaya, xilli ay haatan kooxdu wajaheyso cadaadis xooggan oo ay kala kulmayaan howlgallada dowladda Soomaaliya iyo duqeymaha saaxibada caalamiga ah oo lagu cuuryaamiyay awooddii argagixisada, laguna laayay maleeshiyaad badan.

