28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Trump oo weerarkii ugu xumaa ku qaaday Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa weerar xun ku qaaday Soomaaliya, oo uu ku tilmaamay inay tahay “dal ka hooseeya dunida saddexaad oo ka tirsan duni afraad,” isagoo mar kale ku celiyay eedeymo uu u jeediyay xildhibaan Ilhaan Cumar.

Trump ayaa hadalkiisa ku sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay meelaha ugu halista badan adduunka, wuxuuna si adag u dhaliilay xaaladda amni iyo midda dowladnimo ee dalka.

“Soomaaliya waa dal ka tirsan dunida afraad, waa mid ka mid ah meelaha ugu khatarta badan adduunka, waxba ma haystaan, golayaal malaha, dowlad malaha, booliis malaha, meel kasta way isku dilayaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay in dad ka yimid Soomaaliya ay si khaldan uga faa’iidaysteen nidaamka dalka Mareykanka. “Halkan ayay yimaadeen oo 19 bilyan oo dollar ayay xadeen, taasi waa waali,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Trump, inkastoo uusan soo bandhigin wax caddeyn ah oo taageeraya eedeyntaas culus.

Dhanka kale, Trump ayaa si gaar ah u bartilmaameedsaday Ilhaan Cumar, isagoo ku andacooday in ay si sharci-darro ah ku gashay Mareykanka.

Wuxuu sheegay in ay dalka ku timid iyadoo guursatay walaalkeed si ay u hesho waraaqaha deggenaanshaha, eedeyn uu hore dhowr jeer u jeediyay.

Si kastaba, Ilhaan Cumar ayaa marar badan si cad u beenisay eedeymahaas, iyadoo ku tilmaantay kuwo aan sal lahayn oo dhaawac ku ah sumcadeeda iyo sharafteeda. Waxay sidoo kale sheegtay in eedeymaha noocan ah ay qayb ka yihiin olole siyaasadeed oo lagu beegsanayo.

Hadallada Trump ayaa marar badan dhaliya muran siyaasadeed oo xooggan gudaha Mareykanka, gaar ahaan marka ay khuseeyaan arrimaha qowmiyadaha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda bulshada muhaajiriinta.

Ilhaan Cumar ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida joogtada ah u dhaliila siyaasadaha Trump, gaar ahaan kuwa la xiriira socdaalka iyo Muslimiinta.

Khudbadaha iyo hadallada noocan ah ayaa inta badan kiciya dood ballaaran oo ku saabsan xadka hadalka siyaasadeed iyo saameynta uu ku leeyahay bulshada, iyadoo siyaasiyiin badan iyo falanqeeyayaal ay ku tilmaamaan kuwo sii kala fogeynaya bulshada.

Si kastaba, Madaxweynaha Mareykanka ayaa hore iyo marar badan hadallo dhaliil iyo weerar ah ugu jeediyay Soomaaliya iyo Soomaalida ku nool Mareykanka, arrintaas oo mar kasta dhalisa falcelin kala duwan, isla markaana sii hurisa muranka siyaasadeed ee ka dhex jira gudaha dalkaas.

- Advertisement -

Read more

Local News