Washington (Caasimada Online) — Mas’uulka ugu sarreeya dhanka la-dagaallanka argagixisada ee dalka Mareykanka ayaa Talaadada si lama filaan ah xilka iska casilay, isagoo si adag uga horyimid dagaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil ka wadaan dalka Iiraan.
Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay xukuumadda Tel Aviv inay waddo “olole marin-habaabin ah” oo Washington ku jiiday colaad ba’an oo halis ku ah xasilloonida Bariga Dhexe.
Joe Kent, oo ahaa Agaasimaha Xarunta Qaranka ee La-dagaallanka Argagixisada (NCTC), ayaa noqonaya sarkaalkii ugu darajada sarreeyay ee ka tirsan maamulka Madaxweyne Donald Trump ee shaqada uga taga sababo la xiriira dagaalkan.
Bixitaankiisa ayaa daaha ka qaaday kala-qaybsanaan qoto dheer oo soo kala dhex gashay isbaheysiga madaxweynaha ee loo yaqaan “Make America Great Again” (MAGA), kuwaas oo isku khilaafsan faragelinta shisheeye.
“Aniga oo dareen wanaagsan qaba suurta-gal iima ahan inaan taageero dagaalka ka socda Iiraan,” ayuu Kent ku qoray warqad is-casilaad ah oo uu u diray Trump, soona dhigay baraha bulshada.
Wuxuu raaciyay: “Iiraan ma ahayn khatar degdeg ah oo ku wajahan qarankeena, waxaana cad inaan dagaalkan u bilownay cadaadis nooga yimid Israa’iil iyo kooxaha awoodda badan ee u ololeeya ee gudaha Mareykanka.”
Dagaal la hindisay
Kent, oo ah askari rug-caddaa ah oo horay uga tirsanaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Green Beret, 11 jeerna ka hawlgalay furimaha dagaalka, markii dambena u shaqeeyay hay’adda sirdoonka ee CIA, ayaa isbarbardhig toos ah ku sameeyay colaadda hadda taagan iyo duullaankii Mareykanka ee Ciraaq sanadkii 2003-dii.
Wuxuu ku eedeeyay saraakiisha sare ee Israa’iil iyo shakhsiyaadka saamaynta leh ee warbaahinta Mareykanka inay madaxweynaha ku marin-habaabiyeen ballanqaadyo been ah oo ku aaddan in la gaari doono guul degdeg ah.
Askarigan la billaday ayaa sidoo kale xusay xaaskiisii geeriyootay, Shannon Kent, oo ahayd khabiir dhanka sirdoonka milateriga oo sanadkii 2019-kii lagu dilay Suuriya.
Wuxuu sheegay inay ku dhimatay “dagaal ay soo hindistay Israa’iil,” isagoo si cad u diiday inuu taageero in jiil cusub loo diro dagaal uu ku tilmaamay mid aan wax faa’iido ah ugu jirin shacabka Mareykanka.
Iscasilaadda Kent ayaa ku soo beegmaysa xilli colaadda Mareykanka iyo Iiraan, oo qaraxday dabayaaqadii bishii Febraayo, ay si xawli ah ugu fidayso gobolka.
Dagaalka ayaa ilaa hadda galaaftay nolosha in ka badan 1,300 oo qof oo ku sugan Iiraan, in ka badan 880 qof oo reer Lubnaan ah, iyo 12 qof oo gudaha Israa’iil ah, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta gobolka.
Milateriga Mareykanka ayaa dhankiisa xaqiijiyay in 13 askari laga dilay, halka ku dhawaad 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo markii uu dagaalku bilowday.
Colaadda ayaa sidoo kale si weyn u carqaladeysay ganacsiga adduunka, kadib markii Iiraan ay beegsatay kaabayaasha shidaalka ee gobolka, si dhab ahna u xirtay Marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz.
Xiisaddan sii fidaysa ayaa ku qasabtay Trump inuu dalbado caawinaad quwadaha caalamka, oo uu ku jiro Shiinaha, si ay maraakiib dagaal ugu soo diraan deegaanka si gacan looga geysto ilaalinta marinkan muhiimka ah ee badda.
Kala qeyb-sanaanta MAGA
Kent oo xilkan uu Golaha Senate-ka ugu ansixiyay bishii Luulyo ee 2025 codad dhan 52-44, ayaa muddo dheer u ololeynayay siyaasad arrimaha dibadda ah oo is-xakameyn ku dhisan. Kahor inta uusan ku biirin maamulka, wuxuu laba jeer olole fashilmay u galay Koongareeska isagoo huwan shaatiga “America First”, kana soo horjeeda dagaallada Bariga Dhexe.
Waa saaxiib dhow oo ay isku aragti yihiin weriyaha muxaafidka ah ee Tucker Carlson, kaas oo isna si weyn u dhaliilay ololahan milateri. Carlson ayaa bogaadiyay iscasilaadda, isagoo Kent ku tilmaamay “ninka ugu geesisan ee aan aqaano,” isagoo ka digay in kooxaha u ololeeya dagaallada ay isku dayi doonaan inay burburiyaan sumcaddiisa.
Balse eedeymaha Kent ee ka dhanka ah Israa’iil ayaa caro xooggan kala kulmay qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Jamhuuriga. Xildhibaan Don Bacon, oo horay u ahaa jeneraal ka tirsan ciidamada cirka, ayaa ku gacan-sayray hadalladiisa, isagoo ku eedeeyay Kent naceyb ka dhan ah Yuhuudda.
Dhanka kale, aragtida Kent ayaa si layaab leh taageero uga heshay dhanka xisbiga Dimoqraadiga.
Senator Mark Warner, oo ah xubinta ugu sarreysa Dimuqraadiga ee Guddiga Sirdoonka ee Senate-ka, kaas oo inta badan Kent ku dhaliili jiray faafinta aragtiyaha shirqoolka iyo siyaasadeynta sirdoonka, ayaa Talaadadii ku raacay qiimeyntiisa ku aaddan awoodda Tehran.
Warner ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inaysan jirin caddayn lagu kalsoonaan karo oo muujinaysa khatar degdeg ah oo Iiraan ka imaanaysay, taas oo cudur-daar u noqon karta in Mareykanka lagu degdegsiiyo dagaal kale oo dhiig ku daato oo ka dhaca Bariga Dhexe.
Trump oo is-difaacay
Dagaalka ayaa kala furfuray taageerayaasha Trump, kuwaas oo in badan oo ka mid ah ay rumeysnaayeen ballanqaadyadiisii hore ee ahaa in laga fogaado dagaallada shisheeye.
Madaxweyne Ku-xigeenka JD Vance, oo si weyn uga shakiya faragelinta Mareykanka, ayaa muujiyay walaac ku aaddan dagaalka.
In kasta oo Trump uu horay u sheegay in Vance uusan si weyn u taageersanayn howlgalkan, haddana Vance ayaa Isniintii wariyeyaasha ugu sheegay Xafiiska Oval in uusan oggolaan doonin in warbaahintu ay kala dhex gasho isaga iyo madaxweynaha.
Trump laftiisa ayaa si xooggan u difaacay ololaha milateri dhammaadkii asbuuca. Isagoo adeegsanaya bartiisa Truth Social, madaxweynaha ayaa caddeeyay in xubnaha Jamhuuriga ee dhaliilaya dagaalka aysan ka tirsanayn MAGA.
Wuxuu sheegay in MAGA ay ka dhigan tahay in aan loo oggolaan nidaam argagixiso inuu helo hub nukliyeer ah oo uu ku qarxiyo Mareykanka iyo dunida inteeda kale.
In kasta oo ay jirto diidmo siyaasadeed, falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in taariikhda milateri ee Kent ay adkeynayso in maamulku uu iska indho-tiro dhaliishiisa.
Javed Ali, oo horay u ahaa sarkaal sare oo dhanka la-dagaallanka argagixisada ah, ayaa xusay in waayo-aragnimada dagaal iyo sirdoon ee Kent ay siinayso aragti gaar ah oo ku aaddan halista la xiriirta dagaallada dibadda.
Kent ayaa sidoo kale la-taliye muhiim ah u ahaa Agaasimaha Sirdoonka Qaranka, Tulsi Gabbard, taas oo iyaduna Khamiista iyo Arbacada hortegi doonta guddiyada labada aqal ee Congress-ka, inta lagu guda jiro dhageysiga sanadlaha ah ee khataraha amniga qaranka. Xildhibaannada ayaa la filayaa inay si weyn diiradda u saaraan iscasilaadda Kent inta ay socdaan fadhiyadaas.
Kent ma aha mas’uulkii ugu horreeyay ee xilka uga taga duullaanka Iiraan. Toddobaadkii hore, Sameerah Munshi ayaa iska casishay Guddiga Xorriyadda Diinta ee Aqalka Cad, iyadoo sabab uga dhigtay dagaalka.
Waxay sheegtay in canshuurta Mareykanka lagu maalgelinayo gacan-ka-hadal ka dhan ah dad rayid ah oo Falastiiniyiin iyo Iiraaniyiin isugu jira.
Munshi, oo ah haweeney Muslim ah, ayaa sidoo kale sheegtay inay caddaalad-darro kala kulantay xubnaha guddiga oo ku jeesjeesay diinteeda, bulshadeedana ula dhaqmay si cadaawad ah.
Sidoo kale waxay ka mudaaharaadday go’aankii guddiga ee bishii hore shaqada looga eryay Carrie Prejean Boller, oo ah haweeney Masiixi ah oo lagu eedeeyay inay carqaladeysay dhageysi ku saabsanaa naceybka Yuhuudda.

