28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Diblomaasi Belgium ah oo loo maxkamadeynayo dilkii Patrice Lumumba ee 1961-kii

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Brussels (Caasimada Online) — Maxkamad ku taalla magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa Talaadadii amar ku bixisay in maxkamad la soo taago diblomaasi hore oo si weyn loo yaqaano, kaas oo loo haysto eedeymo la xiriira khaarajintii Patrice Lumumba, oo ahaa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.

Tallaabadan ayaa ah isku-daygii ugu dambeeyay ee lagu doonayo in iftiimin loogu sameeyo duruufaha madmadowgu ku jiro ee hareeyay dilkiisa.

Lumumba, oo xilka ra’iisul wasaaraha la wareegay markii uu dalkiisu xornimada ka qaatay gumeysigii Belgium sanadkii 1960-kii, ayaa xukunka laga tuuray bilo uun kadib, waxaana 16-kii Janaayo 1961-kii dilay jabhado gooni-goosad ah oo gacan ka helayay xukuumadda Belgium.

Baaritaan ay baarlamaanka Belgium ku sameeyeen dilkiisa sanadkii 2002-dii ayaa lagu soo gaba-gabeeyay in dalkaas uu “mas’uuliyad damiir” ku lahaa dhimashadiisa. Balse maxkamadaynta Count Etienne Davignon, oo 93 jir ah, horayna u soo noqday Wakiilka Midowga Yurub balse xilligaas ahaa diblomaasi da’ yar, ayaa noqonaysa dacwaddii ugu horreysay ee ciqaabeed ee si toos ah loola xiriiriyo kiiskan.

Xeer-ilaaliyeyaasha ayaa sheegay in Davignon, oo haatan wajahaya dambiyo dagaal, uu qayb ka ahaa xarig sharci-darro ah iyo wareejintii Lumumba, isagoo ka hor istaagay xaqii uu u lahaa inuu helo maxkamadayn caddaalad ah.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen inuu Lumumba marsiiyay “ula dhaqmid bahdilaad iyo karaamo-dhac ah”. Sidoo kale, waxaa loo haystaa inuu ku lug lahaa dilka laba ka mid ah xulafadiisii siyaasadeed, Maurice Mpolo iyo Joseph Okito.

Dhammaan dadkii kale ee looga shakinsanaa kiiskan taariikhiga ah ayaa geeriyooday. Davignon ayaan goobjoog ka ahayn qolka maxkamadda maalintii Talaadada, qareenkiisana wuxuu ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo arrintan.

Inkastoo xukuumaddii Lumumba ay jirtay saddex bilood oo keliya, wuxuu isku beddelay astaan weyn oo ka soo horjeedda gumeysiga xilligii ay dalalka Afrika u halgamayeen xornimada sanadihii 1960-meeyadii, wuxuuna ilaa maanta dalkaas u yahay halyey qaran.

Geeridiisa ayaa waji madaw u furtay dalka Congo, oo leh kheyraad dabiici ah oo baaxad leh sida naxaasta, kobalt-ka, dahabka iyo yuraaniyamta, balse shacabkiisu ay inta badan taariikhdooda xornimada kadib ku noolaayeen nidaamyo keli-talis ah iyo khatarta colaado hubeysan oo dhiig badani ku daatay.

In kasta oo uu si fagaare ah u sheegay inuu dhex-dhexaad yahay, xiriirkii uu Lumumba la yeeshay Midowgii Soofiyeeti xilligii uu meesha ugu sarreysa joogay Dagaalkii Qabow ayaa argagax geliyay xukuumadaha Reer Galbeedka, iyadoo taariikhyahannada qaarna ay ku eedeeyeen Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA inay gacan ku lahayd geeridiisa.

Xubnaha qoyska Lumumba ee ka badbaaday dhacdooyinkaas ayaa markii hore furay dacwaddan, taas oo markii dambe ay la wareegeen xeer-ilaaliyeyaasha federaalka ee Belgium.

“Waa tallaabo loo qaaday dhanka saxda ah,” ayay tiri Yema Lumumba, oo ah gabadh uu awoowe u yahay Lumumba, oo la hadashay wakaaladda wararka ee Reuters kadib go’aanka maxkamadda. “Waxa aan doonaynaa waa in la raadiyo xaqiiqada oo la caddeeyo mas’uuliyadaha kala duwan.”

Kadib shaqadiisii Congo, Davignon, oo ka soo jeeda qoysaska gobta ah ee Belgium, wuxuu noqday diblomaasi caan ah, isagoo noqday madaxii ugu horreeyay ee Hay’adda Tamarta Adduunka (IEA) iyo Wakiilka Midowga Yurub intii u dhexaysay 1977 iyo 1985.

Wuxuu markii dambe noqday guddoomiyaha shirkadda maalgashiga Belgium ee Societe Generale de Belgique, isagoo xubin ka noqday guddiyada maamulka ee shirkado badan oo waaweyn.

Sanadkii 2018-kii, Boqorka Belgium Philippe ayaa dalacsiiyay Davignon isagoo guddoonsiiyay darajada sare ee loo yaqaan ‘Count’.

- Advertisement -

Read more

Local News