28 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Taliye Shub oo xilkii laga qaaday xilli ay kasii dareyso xiisadda DF iyo K/Galbeed

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, iyaga oo soo magacaabay taliye cusub.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kulanka golaha ayaa waxaa lagu ansixiyey soo jeedinta wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha dastuurka ee magaacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo loo magacaabay Sarreeeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Taliyaha cusub ayaa horay usoo noqday wasiir iyo taliyaha Booliska, waxaana ugu dambenn lagu beddelay Taliye Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaan (Shub), kaas oo Sodog u ah madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Isbeddelkan ayaa la xiriira xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa Lafta-gareen iyo dowladda, waaana mid la filayay oo la hadal haya maalmihii lasoo dhaafay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa go’doon ku haysa maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana inta badan xilalkii laga qaaday taliyeyaashii u dhawaa Lafta-gareen ee ka howlgalayay gobollada Baay iyo Bakool.

Sidoo kale, waxaa kale oo jirtay in shalay dowladda dhexe ay maamul cusub u magacowday degmada Waajiid ee isla gobolka Bakool oo laga taageeray qorshaheeda.

Koonfur-Galbeed ayaa haatan wajaheyso xaalad adag oo ka dhalatay khilaafka kala dhexeeya Dowladda Federaalka, iyadoo weli ciidamo lagu sii wado deegaannada maamulkaasi, taas oo sii murjineyso xaaladda taagan, isla markaana keeni karta inuu qarxo dagaal u dhexeeya labada dhinac.

Si kastaba, ha’ahaatee xaaladda ayaa hadda u muuqata mid faraha kasii baxeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta.

- Advertisement -

Read more

Local News