Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta taabacsan ayaa haatan shir uga socda xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo.
Shirkan ayaa imanaya xilli xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay gudaha magaalada Baydhabo kadib dagaallo culus oo saacadihii u dambeeyay ka dhacay halkaas.
Qeybo muhiim ah oo kamid ah magaalada waxaa la wareegay ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa la baxay badbaadada Koonfur Galbeed, kuwaas oo haatan isku fidinaya inta badan gudaha magaalada, sida uu xaqiijiyay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha Saadaad Maxamed Nuur oo ku sugan gudaha Baydhabo.
Saacado ka hor ayay aheyd markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in ciidankeeda si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, kadib dagaal ay la galeen ciidamada taabacsan madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.
War-saxaafadeedka dowladda ayaa lagu sheegay in ciidamadii taabacsanaa Lafta-gareen laga saaray magaalada, isla markaana haatan ay socdaan howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaalada Baydhabo.
“Saraakiisha amniga ayaa ku sugan gudaha magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ka wadaan howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga, kadib markii magaalada laga saaray maleeshiyaad uu marin-habaabiyay hoggaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka dowladda Federaalka.
Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in ciidamada xoogga dalka ay fureen waddada muhiimka ah ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, taas oo hore ay u go’doomisay kooxda Al-Shabaab.
Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa weli ah mid kacsan, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan faah-faahinno dheeraad ah oo ku saabsan halka ay ku dambeyn doonto xiisadda siyaasadeed iyo midda militari ee ka taagan magaaladaas.

