Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa isu soo dhiibay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib dagaallo culus iyo isbeddel deg-deg ah oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Xubnahan ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Maxamed Isxaaq Fanax iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Nuur Siidow Baaba, kuwaas oo la sheegay inay la xiriireen saraakiisha Dowladda Federaalka, kadib markii ciidamadu la wareegeen qeybo badan oo kamid ah magaalada Baydhabo.
Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa taabacsan mucaaradka ay si buuxda isugu fidiyeen inta badan xaafadaha magaalada, halka maamulka Cabdicasiis Lafta-gareen iyo xubno ka tirsan golihiisa ay weli ku sugan yihiin xarunta Madaxtooyada, halkaas oo uu uga socdo shir ay uga arrinsanayaan xaaladda taagan.
Is-dhiibidda wasiirradan ayaa timid kadib cadaadis militari iyo mid siyaasadeed oo saarnaa maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo sidoo kale la sheegayo in xubno kale oo ka tirsan maamulka ay iyaguna qorsheynayaan inay isu dhiibaan Dowladda Federaalka.
Dowladda Federaalka ayaa hore u xaqiijisay in ciidankeeda ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, kadib dagaal ay la galeen ciidamada taabacsan Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.
Dowladda ayaa sheegtay in ciidamadii taabacsanaa Lafta-gareen laga saaray magaalada, isla markaana haatan ay socdaan howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaalada Baydhabo.
Si kastaba, xaaladda magaalada Baydhabo ayaa weli ah mid kacsan, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan faah-faahinno dheeraad ah oo ku saabsan halka ay ku dambeyn doonto xiisadda siyaasadeed iyo midda militari ee ka taagan magaaladaas.

