Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa goordhow soo saaray wareegto uu ku magacaabayo boosaskii ay hore iskaga casileen wasiirro ku-xigeenno la saftay Cabdicasiis Lafta-gareen.
Xilalka uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah saddex wasiir ku-xigeen, kuwaas oo ka mid noqon doona Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in markii uu arkay howlaha baaxadda leh ee horyaalla xukuumadda, isla markaana gudanaya waajibka dastuuriga ah iyo talada Madaxweynaha Soomaaliya, uu magacaabay wasiir ku-xigeennada cusub ee kala ah:
- Xasan Maxamed Cali ayaa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
- Nadiifa Aadam Isaaq ayaa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha.
- Ismaaciil Ciid Maxamed ayaa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa u rajeeyay xubnaha cusub inay xilalkooda u gutaan si hufnaan, karti iyo mas’uuliyad ku dheehan tahay, isla markaana ay mudnaan siiyaan danta guud iyo horumarinta adeegyada ay Xukuumadda Dan-Qaran u hayso bulshada Soomaaliyeed.
Magacaabistan ayaa imanaysa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleysatay inay si buuxda ula wareegto gacan ku haynta Baydhabo, oo ay haatan ku sugan yihiin ciidamada xoogga dalka iyo kuwa la baxay Badbaadada Koonfur Galbeed.




