29 C
Mogadishu
Sunday, April 19, 2026

Shiinaha iyo Pakistan oo soo bandhigay 5 qodob oo lagu soo afjarayo dagaalka Iiraan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beijing (Caasimada Online) – China iyo Pakistan ayaa soo bandhigay qorshe shan qodob ka kooban oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Mareykanka iyo Israel ee ka dhanka ah Iran, iyadoo qorshahaas uu ku baaqayo xabbad-joojin degdeg ah iyo in dib loo soo celiyo isu socodka “caadiga ah” ee maraakiibta marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz.

Qorshahan ayaa Talaadadii la shaaciyay kadib kulan Beijing ku dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Ishaq Dar, iyo dhiggiisa Shiinaha Wang Yi.

Labada wasiir ayaa isku raacay in la xoojiyo xiriirka istiraatiijiga ah iyo iskaashiga ku saabsan xaaladda Iran, isla markaana la sameeyo dadaal cusub oo lagu riixayo nabad iyo dejinta colaadda.

Soo jeedintan shanta qodob ah ayaa noqoneysa markii ugu horreysay ee quwad weyn oo caalami ah ay si cad u soo bandhigto waddo rasmi ah oo lagu soo afjari karo dagaalka billowday 28-kii February.

China oo ah dhaqaalaha labaad ee ugu weyn dunida ayaa ah iibsadaha ugu weyn ee shidaalka Iran iyo Sacuudiga. Sidoo kale, waxay xiriir militari iyo mid diblomaasiyadeed oo dhow la leedahay Pakistan, taas oo la sheegay inay dhex-dhexaadin ka wadday Washington iyo Tehran.

Warbaahinta Middle East Eye ayaa horey u sheegtay in Shiinaha uu taageero militari siiyay Iran. Sida warbixintu xustay, kadib weerarkii Mareykanka iyo Israel ee bishii June 2025, Iran ayaa dib u buuxsatay kaydkeeda difaaca cirka iyadoo ka heshay Shiinaha qalab cusub, beddelkeedana siisay shidaal.

Sidoo kale, mas’uuliyiin gobolka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ah ayaa sheegay in Iran ay Shiinaha ka iibsatay hub yar-yar oo weerar ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn.

Wadahadal deg-deg ah 

Diblomaasi Carbeed ayaa u sheegay Middle East Eye in Tehran ay dooneyso in Beijing ay noqoto dammaanad-qaadaha heshiis kasta oo nabadeed oo lala gaaro Mareykanka.

Qorshaha cusub wuxuu ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo colaadda ka socota Bariga Dhexe, isla markaana la billaabo wada-hadallo nabadeed sida ugu dhaqsaha badan.

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen labada dal ayaa lagu sheegay in China iyo Pakistan ay taageerayaan in dhinacyada ay khuseyso ay miiska wada-hadalka yimaadaan, iyadoo dhammaan dhinacyaduna ay ka go’an tahay in khilaafaadka lagu xalliyo si nabadeed, lagana fogaado adeegsiga awood militari ama hanjabaad inta wada-hadalladu socdaan.

Bayaanka ayaa sidoo kale ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo weerarrada lagu hayo dadka rayidka ah iyo goobaha aan ahayn bartilmaameedyo militari, oo ay ku jiraan xarumaha tamarta, goobaha biyaha macaan laga sifeeyo, xarumaha korontada iyo kaabeyaasha nukliyeerka ee nabadeed sida warshadaha quwadda nukliyeerka.

Israel ayaa horey u beegsatay goobo gaas, xarumo tamareed iyo meelo wax-soo-saar oo ku yaalla Iran.

Dhankiisa, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu “baabi’in doono” shabakadda tamarta Iran haddii Tehran ay sii waddo gacan-ku-heynta marinka Hormuz. Weerarrada baahsan ee lagu qaado kaabeyaasha tamarta ee dhinac colaadeed ayaa guud ahaan loo arkaa dambiyo dagaal.

Iran ayaa iyaduna kaga jawaabtay weerarrada Israel iyadoo kumannaan gantaal iyo diyaarado drone ah ku garaacday xarumo tamareed iyo kaabayaal rayid oo ku yaalla Israel iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta ee Khaliijka.

Muranka Marinka Hormuz

Dagaalka lagu hayo wax-soo-saarka tamarta ayaa sare u qaaday qiimaha shidaalka iyo gaaska, balse waxa udub-dhexaad u noqday colaadda ayaa ah gacan-ku-heynta cusub ee Iran ay ku yeelatay Marinka Hormuz.

Khubaro ku takhasusay maraakiibta ayaa sheegay in Iran ay sameysatay nidaam u gaar ah oo ay ku maamusho isu socodka marinkan badeed.

Sida ay sheegtay Lloyd’s List, oo ah warbaahin xogta maraakiibta qaabilsan, Iran ayaa xaalado qaar ka qaaday maraakiibta lacago gaadiid oo gaaraya ilaa laba milyan oo dollar.

Warbaahinta dowladda Iran ayaa iyaduna sheegtay in baarlamaanka Iran uu Talaadadii ansixiyay qorshe lagu qaadayo lacag maraakiibta maraya marin-biyoodka Hormuz.

Hase yeeshee, sida uu dhigayo Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha, dowlad xeebeed ma qaadi karto lacago maritaan ah oo laga rabo maraakiib shisheeye oo maraya biyo dhuleedkeeda. Si kastaba, Mareykanka iyo Iran midkoodna kama tirsana heshiiskaas.

China iyo Pakistan ayaa u muuqda inay si dadban uga hor yimaadeen dadaalka Iran ee ah in dhaqaale laga sameeyo marin-biyoodkan.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in marinka Hormuz iyo biyaha ku xeeran ay yihiin marin muhiim u ah gaadiidka badeecadaha iyo tamarta ee caalamka, iyadoo lagu baaqay in dib loo soo celiyo isu socodka caadiga ah ee marinkan muhiimka ah.

Qodobka ugu dambeeya ee qorshaha ayaa ku baaqaya in la sameeyo hannaan nabadeed oo dhameystiran, kaas oo ku dhisan wada-shaqeyn dhinacyo badan leh iyo in mudnaanta la siiyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Qorshahan cusub ayaa muujinaya in Beijing iyo Islamabad ay isku dayayaan inay qaabeeyaan waddo diblomaasiyadeed oo lagu dejiyo dagaalka, xilli xiisadda Bariga Dhexe ay sii kordheyso, isla markaana Marinka Hormuz uu noqday halbowlaha ugu xasaasisan ee colaadda.

- Advertisement -

Read more

Local News