Dooxa (Caasimada Online) – Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa qirtay inay ka dambeeyeen weerar lagu qaaday markab shidaal qaada oo marayay biyaha dalka Qatar, iyagoo sheegay in markabkaasi uu xiriir la lahaa Israa’iil.
Wasaaradda Difaaca ee Qatar ayaa dhankeeda sheegtay in markabka shidaalka ee Aqua 1, kaas oo u kireysnaa shirkadda dowladda ee Qatar Energy, lagu dhuftay gantaal nooca loo yaqaan cruise oo laga soo riday dhanka Iiraan.
Gantaalka ku dhacay markabka ayaa kamid ahaa saddex gantaal oo nooca cruise ah oo ay Iiraan soo ridday, iyadoo ciidamada difaaca cirka ay hawada ku qabteen labo ka mid ah gantaallada.
Dhammaan shaqaalaha markabka oo tiradoodu ahayd 21 qof ayaa si nabad ah looga daad-gureeyay, iyadoo aan la soo sheegin wax dhaawac ah. Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale xaqiijiyay in aysan jirin wax dhibaato deegaan ah oo ka dhashay dhacdadan.
Bayaan ay soo saartay shirkadda Qatar Energy ayay ku sheegtay in weerarku uu dhacay saacadihii hore ee 1-da April, waxayna carrabka ku adkaysay in uusan saameyn ku yeelan howlaha shaqo ee caadiga ahaa.
Saraakiisha difaaca ayaa intaas ku daray in wada-shaqeyn dhow oo lala yeeshay hay’adaha ay khuseyso ay xaqiijisay in si degdeg ah looga jawaabo xaaladda.
Weerarkan ayaa imanaya wax ka yar labo toddobaad kadib markii gantaallo ay ridday Iiraan ay “burbur baaxad leh” u geysteen magaalada warshadaha ee Ras Laffan (Ras Laffan Industrial City), oo ah xarunta ugu weyn ee tamarta dalka Qatar.
Qatar ayaa la wadaagta Iiraan keydka gaaska dabiiciga ah ee adduunka ugu weyn, taas oo gobolka ka dhigaysa mid muhiimad weyn u leh shidaalka iyo gaaska caalamka loo iibgeeyo.
Ras Laffan ayaa ah xarunta ugu weyn dunida ee laga dhoofiyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG), waxaana mar horeba la dareemayaa carqaladeynta ka dhalatay halkaas. Shirkadda Qatar Energy ayaa horay u sheegtay in weeraradii hore ay cadaadis weyn saareen suuqa caalamka oo markii horeba ahaa mid aad isu bedbeddelaya.
Arrimahan ayaa imanaya xilli Mareykanku uu sheegay inuu “ka bixi doono” dagaalka Iiraan muddo u dhaxeysa laba illaa saddex toddobaad, haddii ay xaqiijiyaan in nidaamka Iiraan uusan awood u yeelan karin inuu dhiso hub nukliyeer ah sanado badan.
Donald Trump ayaa hadalkan ka jeediyay xafiiska Oval Office, isagoo sidoo kale muujiyay in Mareykanku uu leeyahay jadwal u gaar ah oo aanu ku xirneyn in heshiis la gaaro iyo in kale.
Trump ayaa xusay in Iiraan ay dalbaneyso in heshiis la gaaro, balse wuxuu caddeeyay in Washington aysan ka laaban doonin qorshaheeda milatari haddii aysan helin dammaanad cad oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iiraan.
Hadalladan ayaa ku soo beegmaya xilli Trump uu qorsheynayo khudbad qaran oo uu kaga hadli doono arrimaha Iiraan iyo amniga Bariga Dhexe.
Dhankiisa, Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in dalkiisa uu doonayo in la soo afjaro dagaalka, balse arrintaas uu tilmaamay inay ku xiran tahay in la fuliyo shuruudo dhowr ah oo ay kamid yihiin in la joojiyo weerarada Israa’iil iyo in la qaado cunaqabateynta saaran Iiraan.
Sidoo kale wuxuu si cad u sheegay in Iiraan aysan doonayn dagaal sii daba dheeraada, balse ay is difaaci doonto haddii la soo weeraro.
Si kastaba, waddamo badan ayaa haatan wada dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo xabbad-joojin degdeg ah, iyadoo Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo dalal ay kamid yihiin Shiinaha iyo Ruushka ay ku baaqeen in si degdeg ah loo joojiyo colaadda, maadaama ay khatar ku tahay amniga caalamka iyo dhaqaalaha dunida.

