Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si adag uga horyimid magacaabista hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed, kaasi oo xalay uu Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.
Cabdiraxmaan ayaa sharci darro iyo jebin dastuuri ah ku tilmaamay in xukuumaddu maamul u magacawdo dowlad-goboleed leh hay’ado dastuuri ah.
“Dastuurka Koonfur Galbeed wuxuu dhigayaa haddii Madaxweynuhu is casillo in muddo 30 maalmood gudahood ah lagu qabto doorasho madaxweyne. Dawladda Federaalka meelna ugama bannaana in ay maamusho,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Warsame.
Arrinta Baydhabo ayuu ku tilmaamay mid muujinaysa marxalad halis ah oo uu dalku galay, isla markaana bilow u ah awood urursi lagu burburinayo nidaamkii federaalka, sharcigana lagu hoos geynayo rabitaan shakhsiyadeed.
“Waa hordhaca damaca uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku doonayo in uu isku caana shubo doorasho uu natiijadeeda hubiyey, isagunu uu tartame iyo garsoore ka yahay,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.
Hoos ka aqriso qoraalka Warsame oo dhameystiran:
Waa sharci darro si bareer ah loo jabiyey Dastuurka Federaalka iyo kan dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed in xukuumaddu maamul u magcawdo dawlad-goboleed leh hay’ado dastuuri ah.
Dastuurka Koonfur Galbeed wuxuu dhigayaa haddii Madaxweynuhu is casillo in muddo 30 maamlmood gudahood ah lagu qabto doorasho madaxweyne. Dawladda Federaalka meelna ugama bannaana in ay maamusho
Waa jiho cusub oo muujinaysa marxalad halis ah oo uu dalku galay. Waa bilowga awood urursi lagu burburinayo nidaamkii federaalka, sharcigana lagu hoos geynayo rabitaan shakhsiyadeed.
Waa hordhaca damaca uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku doonayo in uu isku caanashubo doorasho uu natiijadeeda hubiyey, isagunu uu tartame iyo garsoore ka yahay.
Waa hubaal in damacaas gurracani aanu hirgelaynin, balse uu si weyn u dhaawacayo dadaalladii sannado badan lagu bixinayey dibuheshiisiin, is’aaminaad iyo kalsooni dhis bulsho iyo geeddisocodkii dhutinayey ee dawlad dhiska dalka ee ku dhisnaa awood-qaybsi, xukun federaal, doorashooyin afartii sanno ah iyo nidaam baarlamaani ah.
Dhaqanka kelitalis oo ay wehliyaan eex, sedbursi, boob hanti dadweyne iyo kutagrifal awoodeed waa sabibihii horseeday burburkii dawladnimadii Soomaaliya.
Madaxweynaha dadka qaar ayaa qabyaalad iyo dano gaar ah ugu sacabbinaya, halka qaar kalana ay ka aamusan yihiin, hase yeeshee fitnada ka dhalan karta ficilladan gurracan cidna ka badbaadi mayso.

