32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Sababta DF ku qasabtay inay magacowdo hoggaamiyaha K/Galbeed oo la shaaciyay

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Madoobe ayaa ka hadlay magacaabista hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed, kaasi oo xalay uu Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

Guddoomiyaha oo Baydhabo ku soo dhaweeyay hoggaamiyaha cusub ayaa sheegay in magacaabistiisa ay ku qasbanaatay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii la waayay mas’uuliyiintii sharciga uu siinayay inay sii hoggaamiyaan maamulka.

“Nidaamka waxa uu ahaa sidii madaxweynihii ka horreeyay Cabdicasiis, markuu baxayay Shariif Xasan in Guddoomiyaha baarlamaanka haddii la waayo ku-xigeenkiisa, markii labadiiba la waayay waxay Dowladda Federaalka xaq u leedahay inay badbaadiso dowlad-goboleedkii xaalad adag galo, oo soo fara-geliso waana qodob dastuuri ah,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe.

Sidoo kale wuxuu sheegay in tallaabada dowladda ay tahay mid maamulka looga badbaadinayay fawdo, isla markaana ay xaq dastuur ah u leedahay, ayna sidaas ku magacowday sii-haye.

“Dowladda Soomaaliya waxay u garatay in sii-haye la sameeyo oo howsha sii wada illaa doorasho laga gaarayo, ayadoo la shaqeynayo maamulkii hore u jiray ee xukuumaddii hore u dhisnayd,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in la sameyn doono guddiyo la shaqeeya hoggaanka KMG ah, isla markaana la guda geli doono dib-u-heshiisiinta. “Guddiyo noocyo kala duwan leh ayaa la sameyn doono, si deegaanka isku soo celintiisa ka shaqeeya.”

Ciidanka Dowladda Federaalka oo gacan ka helaya kuwa taabacsan mucaaradka ee la baxay Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa Isniintii awood milatari kula wareegay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda u diyaar-garobeysa sidii ay maamulka Koonfur Galbeed uga qaban laheyd doorasho qof iyo cod ah, hanaankaas oo ah midka ay isku seegeen Lafta-gareen, ayna si adag u diidan yihiin mucaaradka.

- Advertisement -

Read more

Local News