Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka ayaa si adag uga horyimid magacaabista hoggaamiyaha KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, iyagoo ku baaqay in la qabto doorasho loo dhan yahay oo ka gedisan midda ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa xalay soo saaray digreeto uu Jibriil Cabdirashiid Xaaji ugu magacaabayo inuu noqdo hoggaamiye KMG ah oo uu yeelanayo maamulka Koonfur Galbeed.
Jibriil ayaa hadda ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee dalka, wuxuuna beddelayaa Cabdicasiis Lafta-gareen, oo awood ciidan lagu dhaafiyay xukunka.
Golaha Mustaqbalka ayaa tallaabadan ku tilmaamay jebin cad oo ka dhan ah Dastuurka Federaalka iyo kan maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana ah weerar toos ah oo lagu qaaday tiirarka nidaamka federaalka ee Soomaaliya, sida lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay golaha.
“Dastuurka Koonfur Galbeed wuxuu si cad u dhigaya in haddii Madaxweynaha xilkiisa gudan waayo ama is casilo, in muddo 30 maalmood gudahood ah lagu qabto doorasho madaxtinimo,” ayaa lagu yiri qoraalka Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.
Sidoo kale, Golaha ayaa ku baaqay in muddo 30 maalmood gudahood ah lagu qabto doorasho loo dhan yahay, oo ay ku heshiinayaan dhammaan saamileyda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, isla markaana si buuxda ugu saleysan dastuurka dowlad-goboleedka.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu si adag uga soo horjeedaa maamulka ay Dowladda Federaalka u magacowday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, tallaabadan waa jebin cad oo ka dhan ah Dastuurka Federaalka iyo kan Koonfur Galbeed, waana weerar toos ah oo lagu qaaday tiirarka nidaamka federaalka ee Soomaaliya.
Dastuurka Koonfur Galbeed wuxuu si cad u dhigaya in haddii Madaxweynaha xilkiisa gudan waayo ama is casilo, in muddo 30 maalmood gudahood ah lagu qabto doorasho madaxtinimo.
Dhaqanka xarun-ka-taliska ah ee lagu maamulayo dowlad-goboleedyada leh hay’ado dastuur ah, iyadoo loo marayo amarro iyo digreetooyin, wuxuu si toos ah uga hor imaanayaa Dastuurka, mabda’a awood-qaybsiga, iyo nidaamka federaalka
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu ku baaqayaa in muddo 30 maalmood gudahood ah lagu qabto doorasho loo dhan yahay, oo ay ku heshiinayaan dhammaan saamileyda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, islamarkaana si buuxda ugu saleysan dastuurka dowlad goboleedka.
Goluhu wuxuu ka digayaa in jihadani aysan ahayn oo keliya mid khaldan, balse ay tahay dib u noqosho dhaqankii kali talisnimo ee horseeday burburkii dowladnimada Soomaaliyeed.
Goluhu wuxuu mar kale caddeynayaa go’aankiisa uu ku difaacayo dastuurka iyo nidaamka federaalka ah, isagoo adeegsanaya dhammaan hababka sharci iyo kuwa nabadeed si uu uga hortago isku day kasta oo lagu burburinayo nidaamkaas ama lagu hirgelinayo xukun kelitalisnimo.
– Dhammaad –

