26.7 C
Mogadishu
Tuesday, June 2, 2026

NISA oo fulisay laba howlgal oo lagu laayay Shabaab badan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa waxaa lagu faah-faahiyay laba howlgal oo saacadihii u dambeeyay laga fuliyay deegaanno ka tirsan maamulka HirShabelle, kuwaas oo lagu beegsaday horjooge iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Weerarrrada oo sidoo kale ay ka qayb-qaateen saaxibada caalamiga ah, isla markaana ka kala dhacay deegaannada Buq Aqbale iyo Masaajid Cali Gaduud ayaa lagu dilay horjoogihii qaraxyada Al-Shabaab ee Hiiraan iyo 28 kale.

Howlgalka koowaad oo ka dhacay aagga Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu beegsaday goob lagu aruuriyay illaa 70 xubnood oo loo diyaarinayay weerarro qorsheysan, iyada oo laga dilay ugu yaraan 23 xubnood, kadib xog ay NISA ka heshay goobta la’isugu geeyay ragggaasi.

Sidoo kale, howlgalka labaad oo ka dhacay deegaanka Buq Aqable ayaa lagu dilay 5 dhagarqabe iyo horjoogihii qaraxyada Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan, kaas oo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan oo magaciisa afgarashada uu yahay (Cabdi Mudalib).

Horjoogahan ayaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu ku lug lahaa abaabulka iyo maleegidda falal argagixiso oo ka dhacay degmooyinka Buuloburde iyo Jalalaqsi.

Hay’adda NISA ayaa shaaca ka qaaday in ay sii wadi doonto beegsiga kooxda, isla markaana ay ka hortageyso isku day kasto oo ay kooxda ku dooneyso inay kusoo abaabusho weerarro ay ku carqaladeyneyso amniga iyo xasiloonida dalka.

“Howlgalladan qorsheysan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtarayo Khawaarijta, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay NISA.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah ayaa kordhiyay howlgallada iyo duqeymaha lagu beegsanayo maleeshiyada Al-Shabaab ee weli ku sugan qaybo badan oo kamid ah dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News