32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Daawo: DF Soomaaliya oo dalacsiisay ciidamadii qabtay magaalada Baydhaba

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dalacsiin u sameysay ciidamadii qaaday howlgalkii lagu qabtay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kadib markii ay mareen waddada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhaba, sida uu sheegay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud oo ciidamada kula hadlay xero ku taala Baydhaba ayaa marka hore ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen howlgalkaas, isaga oo xusay inay muujiyeen geesinimo wayn.

“Ummadda Soomaaliyeed mar kasta waxa ay ku seexataa dhiigiina iyo dhacaankiina nabad-gelyana ay ku joogtaa maanta tii ayaa muujiseen waddadaas dheer oo 2009-kii ugu dambeysay in lasoo maro oo ummadaan ay isbaaro ugu taallay nimankii” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka.

Sidoo kale, wuxuu ugu bishaareeyay ciidamadan in la dalacsiiyay min hal darajo oo ay ku muteysteen howlgalka ay fuliyeen, maadaama uu sheegay inay jab culus gaarsiiyeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu ballan qaad u sameeyay iyana saraakiishii iyo saraakiil xigeennaddii hoggaaminayay howlgalkaas ee gaaray magaalada Baydhaba.

“Waxaan rabaa inaan si qalbi ah oo niyad ah inaan idin-kaga mahadceliyo inta aan aniga karo horta mid hal darajo ayaa dalacdeen waana idin-kuugu bishaareynaa saraakiisha idin hoggaamineysay iyo saraakiil xigeenka iyagana ballantaas oo kale ayay qabaan” ayuu yiri taliye Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in la’isku furay waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhaba, isla markaana dagaallo ka dhacay waddadaas lagu jabiyay argagixisada, waxaana ugu dambeeyay dagaalkii ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee gobolka Baay ee Koonfurta Soomaaliya.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ciidamada dowladda ayaa ballaariyay howlgallada ay ka wadaan qaybo badan oo kamid ah dalka, siiba gobollada Shabeellooyinka oo daris la ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News