27.7 C
Mogadishu
Sunday, April 19, 2026

Sawirro: Xasan oo qorshiisa kala hadlay odayaasha K/G

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada Baydhaba ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed, isaga oo kala hadlay qorshihiisa ku aadan maamulka, maadaama uu dhacay isbeddel wayn.

Madaxweyne Xasan ayaa si gaar ah odayaasha ugala hadlay hannaanka dhismaha maamulka cusub iyo sidii ay u qaadan lahaayeen doorkooda, maadaama la galayo doorasho, si loo helo baarlamaan iyo madaxweyne cusub.

Kulanka oo muhiim ahaa ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray xoojinta nabadda iyo dib u heshiisiinta bulshada, adkeynta geeddi socodka dimuqraadiyeynta, gurmadka abaaraha iyo horumarinta dowladnimada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa odayaasha ku bogaadiyey doorkooda taariikhiga ah ee ilaalinta midnimada iyo wadajirka bulshada, xalinta khilaafaadka iyo taageerada dowlad-dhiska dalka, isaga oo adkeeyey muhiimadda wada shaqeynta dowladda iyo hoggaanka dhaqanka si loo xaqiijiyo horumar iyo xasillooni waarta.

Dhankooda, qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed oo madasha ka hadlay ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka ay ku bixinayso nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta deegaanada Koonfur galbeed, iyaga oo muujiyey garab istaagooda qorshayaasha Qaran ee lagu xoojinayo dowladnimada iyo dimuqraadiyadda dalka.

Kulamadan waxaa barbar socda kuwa kale oo ay wadaan hoggaamiyaha kumel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Jabriil Cabdirashiid Xaaji iyo xubnaha golaha wasiirada ee ku sugan Baydhaba, waxaana dhammaantood diiradda lagu saarayaa sidii looga gudbi lahaa xaaladda kala guurka ah ee maamulka.

Si kastaba ha’ahaatee magaalada Baydhaba waxay haatan martigelineysaa madax culus oo ay kamid yihiin madaxweyne Xasan Sheekh, guddoomiyaha baarlamaanka, xidhibaanno, wasiirro, saraakiil iyo ciidamo badan oo loo daad-gureeyay magaaladaas, waxaana haatan soconayo kulamo wada tashi ah.

 

- Advertisement -

Read more

Local News