29.7 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Khaladkii Trump uu ka fahmay Iiraan ee horseeday fashilka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa mar ku hanjabay inuu soo afjari doono ilbaxnimada Iiraan, balse markii dambe wuxuu doortay inuu nabad raadiyo. Haddii xabbad-joojinta labada toddobaad ah la kordhiyo, sida hadda muuqata inay dhici karto, waqtigaas dheeraadka ahi ma xallin doono sababaha qotoda dheer ee colaaddan.

Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxay dagaal kula jirtaa taariikhdeeda. In ka badan qarni, fikradaha reer Galbeedka iyo kuwii Faarisiga ahaa ee kusoo qulqulayay Iiraan waxay si tartiib tartiib ah u wiiqayeen sharciyadda nidaamka.

Marka laga tago hanjabaadaha Trump, madaxweynaha Mareykanku uma muuqdo inuu si dhab ah u fahmay halka nidaamkani weli awoodda uga helo ragga Iiraaniyiinta ah ee sii aaminsan kacaanka. Inkastoo ay jiraan musuqmaasuq, niyad-jab iyo burbur maamul oo iyaga qudhoodu qeyb ka yihiin, haddana dadkaas rumeysan weli waxay u arkaan dagaalkan halgan qeexaya loollanka u dhexeeya wanaagga iyo xumaanta.

Ragga mayalka adag ee xukuma Iiraan waxay dagaalkan u arkaan mid la xiriira jiritaankooda. Qorshahoodu wuxuu u muuqdaa mid ka xisaabtan badan sidii Mareykanku markii hore moodayay. Waxay si taxaddar leh u keydsadeen rasaastooda, iyagoo u adeegsaday weerarro aan aad u culusayn balse joogto ah. Sidaas ayay hoggaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ahi u dheereeyeen dagaalka, una gilgileen dhaqaalaha caalamka.

Walaaca reer Galbeedka ee ku aaddan colaaddan, iyo bilowga wadahadallada u dhexeeya Tehran iyo Washington, waxay sidoo kale yareeyeen fursadda ah in Mareykanka, iyo si dadban Israa’iil, ay taageeraan kacdoon kale oo gudaha Iiraan ka dhasha.

Badbaadadu mar walba waxay ahayd mudnaanta koowaad ee nidaamka wadaaddada. Hoggaamiyayaashiisu si dhab ah ayay u aaminsan yihiin in mucaaradka ballaaran ee gudaha dalka uu qeyb ahaan ka dhasho shirqoolo shisheeye. Haddii ay xanuun ku filan gaarsiiyaan Mareykanka oo ay ku qasbaan inuu kaalintiisa ka yareeyo Bariga Dhexe, taasi waxay hoos u dhigeysaa suurta-galnimada in malaayiinta Iiraaniyiinta ah ee neceb nidaamka ay si guul leh ugu kacaan.

Tanaasul kasta oo dhab ah oo Washington lala galo wuxuu halis gelinayaa nidaamka gudaha dalka. Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxaa durba si weyn u dhaawacmay sumcaddeedii. Hoggaamiyeyaal badan oo astaan u ahaa ayaa la dilay, awooddii difaac ee Iiraanna si weyn ayaa loo wiiqay.

Tan iyo Dhaqdhaqaaqii Cagaarnaa ee 2009, nidaamku wuxuu garwaaqsaday in dibadbaxyo qaran oo baahsan ay mar kasta u dhow yihiin. Xasillooni-darradaas joogtada ahi waxay u badan tahay inay Israa’iiliyiin badan, gaar ahaan Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, ku abuurtay aaminsanaanta ah in nidaamku ka jilicsan yahay sida uu dhab ahaan yahay.

Fikradda la aaminsanaa waxay ahayd in haddii si xooggan loo beegsado meelaha saxda ah, oo ay ku jiraan Hoggaamiyaha Sare Cali Khamenei iyo xubnaha ugu dhow ee ku hareeraysan, nidaamku uu kala daadan doono.

Kadib dagaalkii 12-ka maalmood socday ee bishii Juun ee lasoo dhaafay, nidaamku wuxuu si degdeg ah ugu baahnaa sheeko guul. Hadda wuxuu ku andacoon karaa inuu iska caabiyay Mareykanka iyo Israa’iil, isla markaana uu “Shayddaanka Weyn” uga adkaaday Marinka Hormuz.

Gacanka Persia ayaa noqday kaarka ugu qiimaha badan ee Tehran gacanta ku hayso. Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Cabbaas Araghchi, ayaa si cad taas u muujiyay markii uu ku dhawaaqayay xabbad-joojinta, isagoo sheegay in “safar ammaan ah oo lagu maro Marinka Hormuz uu suurtagal noqon doono haddii la yeesho isku-duwid lala sameeyo ciidamada qalabka sida ee Iiraan, isla markaana la tixgeliyo xaddidaadaha farsamo.”

Bilowgii horeba, Israa’iiliyiintu waxay u muuqdeen kuwo si fiican u fahmay xadka awoodda ee Bariga Dhexe. Waxay og yihiin in guulo kama dambeys ahi ay dhif yihiin. Istaraatiijiyaddooda muddo dheer waxay ku dhisnayd in si joogto ah loo wiiqo awoodda cadowga. Sida Israa’iil aaminsan tahay, Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxaa loo baahan yahay in marar badan la duqeeyo xitaa marka uusan jirin degdeg nukliyeer ama daandaansi toos ah.

Inta Tehran ay haysato taageerada Ruushka iyo Shiinaha, Israa’iil waxay u badan tahay inay sii aragto baahida loo qabo in si joogto ah loo wiiqo awoodda gantaallada iyo nidaamyada difaaca cirka ee Iiraan. Weerarradii 7-dii Oktoobar 2023 kadib, Netanyahu wuxuu u muuqday inuu doonayay wax ka badan wiiqid joogto ah. Trump-na wuxuu u muuqday inuu sidaas oo kale rabay, ugu yaraan muddo kooban.

Mareykanka ayaa ahaa dhinaca ugu saamaynta badan colaaddan, balse sidoo kale ahaa kan ugu isbeddelka badan. Trump wuxuu u muuqday inuu aaminsanaa in waxa Venezuela ka dhacay laga hirgelin karo Iiraan, isla markaana dhaxlayaasha hoggaamiyaha sare ee la dilo ay aqbali doonaan nabad lagu saleeyay shuruudaha Washington.

Aragtida ah in Jamhuuriyadda Islaamiga ahi ku fashilantay mashruuceedii diineed, ayna hadda inta badan ku taagan tahay musuq-maasuq iyo awood ciidan, ayaa laga yaabaa inay gaartay dadka ku xeeran Trump. Hase yeeshee, wuxuu isku khalday nidaam xatooyo ku dhisan oo ka jira Latin America iyo nidaam fikradeed oo ay maamulaan rag si dhab ah u aaminsan inay fulinayaan doonista Ilaahay. Hadda, Trump waxay u badan tahay inuu fahmay waxa Barack Obama u muuqday inuu bartay kadib markii uu xilka ka degay: Jamhuuriyadda Islaamiga ahi si sahlan isuma beddesho.

Trump wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah ee duqeeya Iiraan, waxaana laga yaabaa inuu noqdo kii ugu dambeeyay. Marka loo eego sida uu isha ugu hayo suuqa saamiyada, waxaa dhici karta inuu hadda dareenkiisa u weeciyo meel kale.

Xakamaynta cadow go’aan adag leh waxay u baahan tahay in gudaha dalka laga dhiso is-afgarad, isla markaana la qanciyo xulafada. In Gacanka laga soo celiyo saameynta Iiraan waxay u baahan tahay in muddo dheer la geeyo awood ciidan badeed oo aad u weyn, arrintaas oo qaadan karta bilo ama xitaa sanado. Siyaasi ku nool xaalad degdeg ah [Trump] oo inta badan u arka xulafada Mareykanka kuwo culeys ku ah dalkiisa, tani waxay u muuqataa hawl aad uga culus.

Dhanka gudaha Mareykanka, Xisbiga Dimoqraadiga wuxuu si adag uga soo horjeedaa dagaalka Trump. Falanqeeyayaal badanna waxay ku doodaan in kani ahaa dagaal aan lagu guuleysan karin, isla markaana aanba loo baahnayn in la galo.

Xisbiga Jamhuuriga dhexdiisana waxaa ku jira codad xooggan oo ka soo horjeeda faragelinta dibadda. Dadka Mareykankuna weligood si dhab ah uma taageerin dagaal aan yoolalkiisu si cad u qeexnayn. Fikradda ah in cadow si joogto ah loo wiiqo si fudud uguma habboona maskaxda Mareykanka. Dad badan oo Mareykan ahna waxay arrintaas u arkaan mid ka baxsan anshaxa.

Haddii Mareykanku dib u gurto, way adag tahay in la arko Israa’iil oo kaligeed tallaabo qaadaysa. Iiraaniyiintu waxay barteen in Gacanku yahay meel ay awood ku leeyihiin. Haddii Israa’iil mar kale rabto inay beegsato Iiraan, waxay u baahan doontaa dabool diblomaasiyadeed, hub iyo taageero saadka ah oo ka timaadda quwadda weyn ee taageerta. Dhammaan ra’iisul wasaarayaashii Israa’iil, oo uu ku jiro Netanyahu, waxay raadin jireen fasaxa Mareykanka ka hor inta aysan tallaabo ka qaadin Tehran. Marka Washington diiddo, Israa’iilna way hakataa.

Marna hubka nukliyeerku muhiim uguma noqon kacaanka Islaamiga ah sida uu hadda yahay. Cali Khamenei wuxuu muujiyay ka-caga-jiid, mana uusan ka tallaabin xadkaas xitaa markii wax walba isbeddeleen kadib weerarradii 7-dii Oktoobar. Laakiin haddii dhaxlayaashiisu sii hayn karaan talada dalka, laba jeer oo lagu duqeeyay siddeed bilood gudahood kaddib, uma badna inay khaladkaas ku sii ekaadaan. Waxa yaabka leh ayaa ah in dagaal loo galay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah laga dhigo mid aan hubeysnayn uu ugu dambeyn waddada u xaarayo is-hubeynteedii ugu weyneyd.

- Advertisement -

Read more

Local News