29.7 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Wafdi sare oo ka socda DF Soomaaliya oo kulamo xasaasi ah ka wada Mareykanka

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan magaalada Washington DC, halkaas oo ay uga qeyb galayaan shirarka xilliga gu’ga (Spring Meetings) ee Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF).

Wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka ayaa Washington kulamo kala duwan kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, kuwaas oo diiradda lagu saaray horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Wasiirka Maaliyadda ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee dalalka Bariga iyo Koonfurta Afrika, Mr. Ndiame Diop, iyagoo ka wada-hadlay arrimo muhiim ah oo quseeya dhaqaalaha dalka.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray saameynta dhaqaale ee ka dhalatay xaaladaha cakiran ee caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, isbeddellada juqraafiyeed iyo saameynta isbeddelka cimilada.

Labada dhinac ayaa isku raacay in arrimahan ay si toos ah u saameeyaan dalalka nugul ee ay Soomaaliya ka mid tahay, loona baahan yahay in la xoojiyo iskaashi caalami ah si loo yareeyo saameyntooda.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu soo hadal qaaday dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta dakhliga gudaha, horumarinta maamulka maaliyadda guud iyo kobcinta dhaqaalaha si loo gaaro horumar waara.

Wasiir Biixi ayaa Bangiga Adduunka uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada maalgelinta mashaariicda horumarineed iyo dib-u-habaynta hay’adaha maaliyadeed.

Bangiga Adduunka ayaa ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee sida dhow ula shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo door muuqda ka qaata hirgelinta mashaariic horumarineed oo gudaha dalka, kuwaas oo qaarkood si habsami leh u socdaan.

- Advertisement -

Read more

Local News