Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shaqaaqo xaay ka dhacday degmada Xamarweyne, taas oo u dhexeysay ilaalada wasiirka amniga gudaha Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa kontarol ku yaalla degmadaasi.
Shaqaaqada ayaa timid, kadib markii ciidamada Booliska ee ku sugnaa barta kontarool ay joojiyeen gaariga wasiir Fartaag oo uu markaas la socday kaliya darawalka, kadibna wuxuu is-faham waa soo kala dhex-galay askartii joogtay goobta, iyadoo darawalka uu Bistoolad la soo baxay halka ciidankuna ay qoryo ula soo baxeen, taas oo keentay in goobta lagu xanibo darawalka iyo gaariga.
Intaas kadib waxaa arrinta ay gaartay taliyaha xukuma ciidanka ilaalada ee Wasiir Fartaag, kaas oo gumad ahaan uga soo dhaqaaqay guriga wasiirka, sidoo kale waxaa meel dhexe kasoo raacay sarkaal ka tirsan ciidanka ilaalada Madaxtooyada Qaranka, iyaga oo kadib sidaas ku gaaray meesha lagu celiyay baabuurka, halkaas oo mar kale ay ka dhacday mashaqo kale oo culus.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in askariga ka tirsanaa ilaalada Madaxtooyada ee gurmad ahaanta usoo raacay ciidanka wasiirka uu si lama filaan ah u dhex-galay ciidankii haystay darawalka iyo gaariga, balse nasiib darro waxaa dhaawacay taliyihii haystay Checkpoint-ga, isaga oo markii dambana u geeriyooday dhaawaca soo gaaray.
Intaas kadib ciidanka ilaalada wasiirka ayaa ku guuleystay inay qabtaan taliyaha dilka gaystay, iyaga oo geeyay saldhigga Booliska Xamarweyne oo uu haatan ku xiranyahay, waxaana ku socdo baaritaanno dheeraad ah.
Dhanka kale, waxaa goor dambe goobta laga kaxeeyay gaariga wasiirka iyo darawalka, kadib markii ay meesha tageen saraakiil ka tirsan laamaha amniga oo ku baxay shaqaaqadaasi.
Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah kasoo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan dhacdadan sababtay dilka sarkaalka ka tirsanaa ilaalada Madaxtooyada ee ku baxay isla gacanta ciidamada amniga Soomaaliya.
Si kastaba, waxaa laga war sugayaa baaritaanka socda iyo sida ay xaaladdu noqoto, inkastoo taliyaha dilka gaystay uu ku doodayo in xabadda ka fakatay.

