28.1 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Muxuu Erdogan uga jawaabay eedda ah in ay guranayaan kheyraadka Soomaaliya?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ololeha shidaal qodista badda ee uu dalkiisu ka bilaabay Soomaaliya ku tilmaamay mid salka ku haya iskaashi iyo barwaaqo-wadaag, xilli ay soo rogaal-celiyeen dhaliilaha loo jeedinayo shuruudaha heshiiska kheyraadka shidaalka ee u dhexeeya labada dal.

Markabka shidaalka qoda ee Turkiga laga leeyahay, Çağrı Bey, ayaa 10-kii bishan soo gaaray xeebaha Soomaaliya si uu u bilaabo hawlgalkii ugu horreeyay ee shidaal qodis badweyn ah oo uu Turkigu ka fuliyo dibadda, kaddib heshiis shidaal oo labada dal ay wada saxiixdeen sanadkii 2024-kii.

“Waxaan hawlgalkeenii ugu horreeyay ee shidaal qodis ah ka bilaabaynaa xeebaha Soomaaliya innaga oo adeegsanayna markabka Çağrı Bey,” ayuu yiri Madaxweyne Erdoğan.

Wuxuu intaas raaciyay: “Hadda waxaan hawlo aan waagii hore ugu tiirsanaan jirnay darafyo kale u fulinaynaa innagoo adeegsanayna maraakiibteena, injineeradeena iyo shaqaalaheena gaarka ah.”

Isagoo bixinaya farriin muujinaysa is-garab istaagga Soomaaliya iyo isku-tashiga sii kordhaya ee dhanka farsamada ee Turkiga, Erdoğan wuxuu xaqiijiyay in xukuumadda Ankara aysan dooneyn inay dhiig-miirato kheyraadka Soomaaliya, balse ay dooneyso inay la barwaaqowdo shacabka Soomaaliyeed.

“Ma dooneyno inaan kheyraadka ka guranno [Somalia], balse waxaan dooneynaa inaan wada barwaaqowno,” ayuu yiri, isagoo rajo ka muujiyay in hawlgalkani uu “war farxad leh” u keeno Soomaaliya.

Wasiirka Tamarta ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa isna ololehan ku sifeeyay tallaabo taariikhi ah.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo kuwa Turkiga ayaa mashruucan u soo bandhigay inuu yahay guul istaraatiijiyadeed oo u soo hoyatay labada dal.

Ceelka bartilmaameedka koowaad ah, oo loo bixiyay Curad-1, wuxuu qiyaastii 372 kiiloomitir u jiraa caasimadda Muqdisho. Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in ceelkan laga qodi doono biyo qoto-dheerkoodu gaarayo 3,500 oo mitir, ka hor inta aan hoos loogu sii daadegin dhowr kun oo mitir oo ka hooseeya guntanka badda.

Tani waxay ka dhigaysaa mid ka mid ah hawlgallada shidaal qodista ee ugu qoto-dheer ee abid laga isku dayo gobolka. Ololaha ayaa la filayaa inuu qaato muddo lagu qiyaasay 288 maalmood.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda u aragta hawlgalkan fursad weyn oo dhaqaale, taas oo furi karta bog cusub oo ku aaddan dadaalladii muddada dheer xayirnaa ee lagu doonayay in dalku uu la soo baxo kheyraadkiisa tamarta.

Mas’uuliyiinta Muqdisho ayaa ku doodaya in, haddii la helo keyd shidaal oo ganacsi ahaan wax-ku-ool ah, ololehan uu gabi ahaanba rogi doono rajada dhaqaale ee Soomaaliya, uu soo jiidan doono maalgashi shisheeye oo dheeraad ah, isla markaana uu sare u qaadi doono dakhliga dowladda ee dal weli la daalaa-dhacaya saameynta taban ee ka dhalatay tobanaan sano oo colaad iyo xasillooni-darro ah.

Hawlgalkan ayaa sidoo kale iftiiminaya doorka sii fidinaya ee Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya, halkaas oo xukuumadda Ankara ay horay ugu lahayd joogitaan ballaaran oo isugu jira dhinacyada amniga, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada iyo horumarinta.

Si kastaba ha ahaatee, imaatinka markabka shidaal qodista ayaa dib u soo nooleeyay dhaliilo xooggan oo ka imaanaya siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo aaminsan in heshiiska shidaalku uu Turkiga siinayo awood gacan-ku-heyn xad-dhaaf ah oo ku aaddan hantida shidaalka iyo gaaska ee mustaqbalka dalka.

Dhaliisha ayaa xuddun u ah qodobbo ku jira heshiiska oo ay dadka ka soo horjeedaa sheegayaan inay si weyn ugu eexanayaan dhanka Turkiga inta lagu jiro wajiga hore ee wax-soo-saarka.

Arrimaha ugu muranka badan waxaa ka mid ah qaab-dhismeedka soo-celinta kharashka (cost recovery), taas oo dadka dhaliilaa ay ku doodayaan inay qandaraaslaha u oggolaanayso inuu soo ceshado qayb aad u weyn oo ka mid ah wax-soo-saarka ka hor inta aysan Soomaaliya helin dakhli la taaban karo.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa dhankooda si adag isaga fogeeyay eedeymaha sheegaya in heshiiskani uu la mid yahay kheyraad lagu bixiyay si bilaash ah. Xubno ka tirsan dowladda iyo mas’uuliyiinta tamarta ayaa xusay in Soomaaliya ay ka maqan tahay hantidii, kaabayaashii dhaqaale iyo awooddii farsamo ee loo baahnaa si ay dowladda kaligeed u fuliso shidaal qodis badweyn ah oo heerkan ah, taasina ay daruuri ka dhigayso in iskaashi lala yeesho waddan ama shirkad shisheeye oo khibrad u leh arrimahan.

Waxay ku doodayaan in heshiiskan loo arko waddo wax-ku-ool ah oo lagu galayo warshad khatarteedu aad u badan tahay, kharashkeeduna uu qaali yahay, beddelkii loo arki lahaa go’aan kama dambays ah oo lagu jaangooyay saamiga dhabta ah ee Soomaaliya ee mustaqbalka fog.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta ayaa ku adkeysanaya in marka Turkiga soo ceshado kharashkii ku baxay sahanka iyo qodista, saamiga dakhli ee Soomaaliya uu noqon doono mid aad u wanaagsan iyadoo loo marayo nidaamyada canshuuraha iyo qaybsiga faa’iidada, ujeeddada guudna ay tahay in la furo waax muhiim ah oo sanado badan laga faa’iideysto.

- Advertisement -

Read more

Local News