Benghazi (Caasimada Online) – Pakistan ayaa hub u dirtay maamulka bariga Liibiya ee uu hoggaamiyo jeneraalkii awoodda badan ee Khalifa Haftar, taas oo qayb ka ah heshiis ay maalgelinayso Sacuudi Carabiya, sida ay warbaahinta Middle East Eye u sheegeen saraakiil Carab iyo Reer Galbeed ah oo xog-ogaal u ah arrintan.
Ugu yaraan shan diyaaradood oo kuwa xamuulka ah oo sida hub ka yimid Pakistan ayaa bishii Maarso laga dejiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Benghazi, sida uu sheegay mas’uul goobjoog u ahaa soo dejinta shixnadahaas. Sidoo kale, mas’uul labaad ayaa xaqiijiyay in rarkan la gudbiyay, inkastoo uusan bixin faahfaahin ku saabsan nooca hubka la bixiyay.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa markii ugu horreysay tabisay in xukuumadda fadhigeedu yahay bariga Liibiya ay Pakistan la gashay heshiis dhanka hubka ah oo ku kacaya 4 bilyan oo doollar — kaas oo ah kii ugu weynaa ee dalkaas uu galo — kaddib booqasho uu bishii Diseembar magaalada Benghazi ku tagay Taliyaha Ciidamada Pakistan, Field Marshal Asim Munir.
In kasta oo aan horay loo baahin in hubkan si dhab ah loo gaarsiiyay Liibiya, haddana warkan ayaa soo baxaya xilli uu jiro shaki weyn oo ku aaddan masiirka heshiisyada kale ee hubka ee Pakistan ay la gasho dalalka qaaradda Afrika.
Reuters ayaa Isniintii sheegtay in heshiis hub oo ay Pakistan la gashay dowladda Suudaan uu buray, kaddib markii Sucuudigu uu ka laabtay ballan-qaadkiisii ahaa inuu maalgelinayo soo iibinta hubkaas.
Ilo-wareedyo carbeed iyo kuwa reer galbeed ah ayaa sheegay in Sucuudiga uu fududeeyay shixnadahan hubka ah ee bishii Maarso laga keenay Pakistan, isagoo wakiil ka ah ciidamada Haftar. Sida ay xaqiijiyeen ilahan, Sucuudi Carabiya ayaa dooneysa inay isku muujiso in ay tahay taageeraha ugu weyn ee Jeneraal Haftar, iyadoo isku dayaysa inay meesha ka saarto saameynta muddada dheer uu dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ku lahaa halkaas.
Si kastaba ha ahaatee, mas’uul u dhashay Liibiya oo xog-ogaal ah ayaa shaki geliyay in qorshahani uu si dhab ah u hirgeli karo, isagoo xusay in qoyska Haftar ay weli hanti iyo dhulal badan ku leeyihiin gudaha Imaaraadka.
Mas’uul carbeed ayaa arrintan ku sifeeyay mid siyaasadeed, wuxuuna yiri: “Heshiiskan waxaa loo sameeyay in Haftar looga fogeeyo Imaaraadka. Sucuudigu wuxuu adeegsanayaa xeelad jilicsan oo soo jiidasho leh, isagoo u sheegaya in ay iyagu kafaala qaadi karaan.”
Horraantii bishii Febraayo, Khaliifa Haftar oo 82 jir ah iyo wiilkiisa la filayo inuu xilka kala wareego ee Saddam, ayaa safar dhif iyo naadir ah ku tagay caasimadda Islamabad si ay ula kulmaan Taliye Munir iyo Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif.
Mas’uulka carbeed ayaa xusay in shuruudaha shixnadaha hubka ee la keenay bishii Maarso lagu heshiiyay intii lagu jiray booqashadaas. Safaaradaha Sucuudiga iyo Pakistan ee ku yaalla Washington ayaan weli wax jawaab ah ka bixin eedeymahan markii lala xiriiray.
Dhanka kale, saraakiisha carbeed iyo kuwa reer galbeedka ayaa farta ku fiiqay in ujeeddada Sucuudiga ay tahay inuu Haftar ku cadaadiyo inuu cagta mariyo oo uu joojiyo hubka sida dhuumaaleysiga ah xuduudda uga tallaaba, kana baxa koonfur-bari Liibiya si uu u gaaro ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee RSF ee ka dagaallamaya dalka Suudaan.
In kasta oo ay Qaramada Midoobay saartay cunaqabateyn hub, haddana taasi kama hor istaagin quwadaha shisheeye inay dalka Liibiya ku fatahaan hub kala duwan. Dalkaas ayaa haatan u qaybsan laba maamul: dowlad ay caalamku aqoonsan yihiin oo fadhigeedu yahay Tripoli, taas oo uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Cabdulxamiid Dbeibeh iyo maamulka bariga oo uu gacanta ku hayo Jeneraal Haftar.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale xusay in Sucuudiga uu taageerayo isku-dhafka ciidamada Haftar iyo kuwa maamulka Tripoli. Labada dhinac ayaa dhowaan si wadajir ah uga qayb qaatay dhoolatus milateri oo lagu magacaabo ‘Flintlock’ oo uu Mareykanku hoggaaminayay bishii Maarso, waxayna sidoo kale sameeyeen guddi milateri oo wadajir ah.
Sarkaal reer galbeed ah ayaa aaminsan in Sucuudiga uu taageerada cusub ee hubka ku iibsanayo wada-shaqeynta Haftar, isagoo raaciyay in isku-dhafka milateriga Liibiya ay tahay mid si cad uga hor imanayso danaha Imaaraadka ee ku aaddan dalka Suudaan.
Sucuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa waqti ahaa xulufo aad isugu dhow, iyagoo si wadajir ah u farageliyay dagaalkii sokeeye ee Yemen si ay meesha uga saaraan fallaagada Xuutiyiinta, sidoo kalena waxay garab istaageen duullaankii fashilmay ee Haftar uu ku doonayay inuu ku qabsado Tripoli sanadkii 2019-kii.
Hase yeeshee, xiriirkooda ayaa markii dambe xumaaday sababo la xiriira dagaalka Suudaan, gaar ahaan kaddib markii Dhaxal-sugaha Sucuudiga Mohammed bin Salman uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku cadaadiyay inuu ka horyimaado taageerada Imaaraadka ee ciidamada RSF.
Xiisadda ayaa sii korortay bishii Diseembar markii Sucuudigu uu duqeymo la beegsaday maleeshiyooyin xulafo la ah Imaaraadka oo ku sugan Yemen. Inkastoo uu jiro khilaafkaas, labada dhinac ayaa isku dayay inay xakameeyaan saameynta arrintan, iyadoo bishii Febraayo uu Mohammed bin Salman warqad u diray La-taliyaha Amniga Qaranka ee Imaaraadka, Tahnoon bin Zayed, taas oo uu ku qeexayo tabashada Riyaad, uuna ku baaqayo dhexdhexaadin.
Ugu dambayn, dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iiraan ayaa falanqeeyayaasha qaar ku dhaliyay inay saadaaliyaan in Riyadh iyo Abu Dhabi ay iska dhaafi doonaan khilaafkooda, balse colaaddaas ayaa u muuqata inay sii qoto dheereysay kala-qaybsanaantooda.
Boqortooyada Sucuudiga ayaa isku dayaysa inay isku dheellitirto dalabaadka Mareykanka ee ah inuu helo marinno dheeraad ah oo xagga cirka iyo saldhigyada ah, iyadoo dhanka kalena u ololeyneysa in xal wada-xaajood ah laga gaaro dagaalka.
Dhanka kale, Imaaraadka ayaa sii adkeeyay mowqifkiisa dagaal ee ka dhanka ah Iiraan, wuxuuna u muuqdaa mid ka careysan wada-hadallada tooska ah ee Washington lala yeelanayso xukuumadda Tehran, kuwaas oo ay fududeyso dowladda Pakistan.

