29.8 C
Mogadishu
Thursday, April 23, 2026

DF oo hub ka dhigis ku sameysay mas’uuliyiin taabacsanaa Lafta-gareen

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo weli mashquulsan xaaladda Koonfur Galbeed, kadib isbeddelkii ay ka sameysay magaaada Baydhaba ayaa haatan bilowday inay hub ka dhigis ku sameyso qaar kamid ah mas’uuliyintii taabacsanaa maamulkii Lafta-gareen ee ku haray magaaladaasi, si loo xakameeyo dhaq-dhaqaaqyada ka socda halkaasi.

Ciidamada dowladda ayaa bilaabay inay beegsadaan mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed, iyadoo ujeedada lagu sheegay hub uruurin, si loo xaqiijiyo amniga.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa hubka lagala wareegay wasiir ku xigeenkii amniga Koonfur Galbeed Maxamed Yuusuf, iyada oo sidoo kale laga qaaday ciidanka ilaalada u ahaa, kadib markii la tuhmay mas’uulkaas oo kamid ahaa raggii horay ula soo shaqeeyay Cabdicasiis Lafta-gareen.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in shalay sidoo kale xabsi guri la galiyay duqa Baydhaba Cabdullahi Watiin, iyadoo sidoo kalena laga qaaday ilaaada.

Watiin ayaa dhawaan dib ugu laabtay Baydhaba, kadib dadaallo ay sameysay Villa Somalia, waxaana uu la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ku ballameen in shaqadii uu halkeeda kasii wado, si aan loo dareemin habacsanaan.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa u muuqdo kuwa ay dowladda ku xakamayneyso xaaladda kacsan ee Koonfur Galbeed, ka gadaal markii ciidamadii taabacsanaa Lafta-gareen ay maalmo kahor ku dhawaaqeen in dowladda dhexe aysan doorasho ka qaban karin magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Intaas kadib waxaa bilowday dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo, taas oo keentay in ciidamadii Koonfur Galbeed u cararaan gobolka Gedo, halkaas oo ay geeyeen hubka iyo gaadiidka ay wateen.

Xiisaddan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay dowladda qorsheysanayso inay maamulka Koonfur Galbeed ka qabato doorashooyin qof iyo cod ah, taas oo ay diidan yihiin ciidamada taabacsan madaxweynihii hore Cabdicasiis Lafta-gareen.

- Advertisement -

Read more

Local News