29.9 C
Mogadishu
Tuesday, April 28, 2026

Aqriso warqadda cajiibka ah ee uu sii qoray ninkii weeraray xafladdii Aqalka Cad

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Ninkalagu eedeeyay inuu weerarka hubeysan ku qaaday munaasabadda Casho-sharafeedka Wariyeyaasha Aqalka Cad, Cole Allen, ayaa qoyskiisa u diray dhambaal argagax leh oo ka dhan ah Madaxweyne Donald Trump, wax yar uun kahor inta uusan rasaasta furin.

Xogtan la helay ayaa muujineysa in ninkan uu isku magacaabay “Khaarijiye Sharafeedka Federaalka (Friendly Federal Assassin), isagoo shaaca ka qaaday inuu si weyn ugu oomanaa inuu khaarajiyo mas’uuliyiinta sarsare ee maamulka Trump.

Allen ayaa dhambaalkiisa ku qoray in bartilmaameedyadiisu ay ahaayeen mas’uuliyiinta maamulka, isagoo ka reebay Agaasimaha Hay’adda Dambi-baarista ee FBI-da Kash Patel, wuxuuna intaas ku daray inuu u kala hormarin doono min mas’uulka ugu darajada sarreeya ilaa kan ugu hooseeya.

Laba sarkaal oo Mareykan ah ayaa xaqiijiyay in farriintan xambaarsan nacaybka la diray qiyaastii 10 daqiiqo kahor inta uusan weerarku dhicin habeenkii Sabtida.

“Diyaar uma ihi inaan mar dambe oggolaado inuu dhiigga dambiyadiisa igu mariyo nin kufsade ah, khaa’in ah, carruurtana faraxumeeya,” ayuu qoray Allen, isagoo ula jeeday madaxweynaha.

Wuxuu xusay in si uu u yareeyo khasaaraha dadka aan eedda lahayn, uu isticmaali doono rasaasta baasiinka ah ee firdhata taas oo aan gidaarada ka dhex bixin karin, balse wuxuu si naxdin leh u qirtay inuu diyaar u ahaa inuu laayo qof kasta oo qolka ku jira haddii ay qasab noqoto si uu u gaaro bartilmaameedyadiisa.

Wuxuu ku dooday in dadka meesha yimid ay iyagu doorteen inay dhegeystaan shakhsi uu ku sifeeyay khaa’in, taasina ay ka dhigayso kuwo dambiga la wadaaga.

Qoraalkiisa ayuu dhowr jeer u adeegsaday diintiisa Masiixiga si uu ugu qiil dayo falkiisa. Wuxuu sidoo kale soo hadal-qaaday arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah, sida duqeymaha maamulka Trump uu la beegsaday doomaha daroogada ee Venezuela iyo xarigga muhaajiriinta sharci-darrada ah.

Wuxuu ku dooday in dulqaadku uu banaan yahay marka adiga shakhsi ahaan lagu dulmiyo, balse uusan ahayn dhaqan Masiixi ah in laga aamuso marka dad kale la dulminayo, isagoo tusaale u soo qaatay carruur gaajeysan iyo dad la xirxiray. Qaraabo uu la wadaagay dhambaalkan ayaa u gacan geliyay booliska, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta.

Sii-hayaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Todd Blanche, ayaa sheegay in baarayaashu ay rumeysan yihiin in eedeysanuhu uu tareen uga soo safray magaalada Los Angeles ilaa Washington, DC, isagoo sii maray magaalada Chicago. Tallaabadan ayaa loo maleynayaa inuu kaga gabbanayay baaritaannada adag iyo isha lagu hayo rakaabka diyaaradaha.

Markii uu gaaray hoteelka Washington Hilton, Allen wuxuu si weyn ugu jeesjeesay “karti-xumada” iyo habacsanaanta amniga hoteelka. Wuxuu qoray inuu hoteelka la galay hub kala duwan iyadoo aysan jirin hal qof oo ka shakiyay inay khatar ka imaan karto.

Wuxuu ku eedeeyay laamaha amniga inay diiradda saareen oo keliya dibad-baxayaasha bannaanka jooga iyo martida xilligaas imaneysay, balse aysan ka fikirin in la baaro dadka hoteelka sii deggenaa maalin kahor. Wuxuu xitaa is-barbardhigay isagoo leh, haddii uu ahaan lahaa wakiil Iiraani ah inuu gudaha soo gelin karay qoriga weyn ee darandoorriga u dhaca ee M2 Browning iyadoo aan la dareemin, isagoo amniga goobta ku sifeeyay “waalli.”

Walaalka la dhashay Allen ayaa booliska magaalada New London ee gobolka Connecticut ku wargeliyay dhambaalkan, kaas oo uu ku saxiixnaa magaca “Cole ‘coldForce’ ‘Friendly Federal Assassin’ Allen.”

Sidoo kale, ciidamada ilaalada gaarka ah ee Secret Service-ka ayaa wareystay gabar la dhalatay eedeysanaha oo ku nool gobolka Maryland, taas oo u sheegtay in walaalkeed uu inta badan ku hadli jiray hadallo xagjirnimo ah oo siyaasadeed, uuna sheegi jiray inuu doonayo inuu “wax” sameeyo si uu u xalliyo dhibaatooyinka dunida.

Diiwaannada guddiga doorashooyinka ayaa muujinaya inuu 25 dollar ugu deeqay ololaha doorashada Kamala Harris bishii Oktoobar 2024, waxaana la sheegay inuu gurigiisa horteeda soo taagay boor uu ku taageerayo garsoore ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga.

Xeer-ilaaliyaha Mareykanka ee degmada Columbia, Jeanine Pirro, ayaa sheegtay in Allen oo la qabtay kaddib is-rasaaseyn dhexmartay isaga iyo ciidamada amniga, la filayo in Isniinta maxkamadda la soo taago.

Waxaa lagu soo oogi doonaa dambiyo ay ka mid yihiin adeegsiga hub xilli uu geysanayay dambi gacan-ka-hadal ah iyo inuu weeraray sarkaal federaal ah. Ugu yaraan hal sarkaal ayaa ku dhaawacmay weerarkan. Mas’uuliyiinta ayaa xaqiijiyay in Allen uu laba bistooladood iyo qori ka soo iibsaday xarun hubka lagu iibiyo, uuna si joogto ah ugu tababaran jiray goobaha rasaasta lagu rido.

Macluumaadka shakhsiyadeed ee la helay ayaa muujinaya in Allen uu ka tirsanaa koox lagu magacaabo “The Wide Awakes”, wuxuuna ka qaybgalay dibadbaxyo ka dhacay gobolka California.

Wuxuu ahaa macallin ka shaqeeya xarunta waxbarashada ee C2 Education, isagoo bishii Diseembar 2024 ku guuleystay abaalmarinta “Macallinka Bisha”. Ninkan ayaa shahaadada injineernimada ka qaatay jaamacadda caanka ah ee Cal Tech sanadkii 2017, wuxuuna markii dambe qaatay shahaadada mastarka ee cilmiga kombuyuutarka. Sababta uu dhambaalkiisa uga reebay madaxa FBI-da ayaan weli si cad loo ogeyn.

Gebagebadii dhambaalkiisa, oo u muuqday mid u eg warqad dardaaran ah oo uu qoray qof is-dilaya, ayuu Allen ku muujiyay xaaladdiisa nafsi xilli uu u diyaar-garoobayay inuu gudaha u galo hoolka.

Wuxuu qoray: “Way igu adag tahay… Waxaan rabaa inaan matago; waxaan la ooyayaa dhammaan wixii aan doonayay inaan sameeyo ee aanan marnaba sameyn doonin, iyo dadka aan aamminaaddooda khiyaameeyay; waxaan dareemayaa caro marka aan ka fekero wax kasta oo maamulkani uu sameeyay.”

- Advertisement -

Read more

Local News