29.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Shabaab badan oo maanta lagu dilay howl-gal ka dhacay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa faahfaahin ka soo saartay hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ay 72-dii saac ee la soo dhaafay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

Hawl-galkan ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday goobaha ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahannada Al-Shabaab. Hawlgalku wuxuu isugu jiray dagaal toos ah iyo duqeyn, taas oo si weyn u wiiqday awooddii kooxdan.

Goobaha uu hawlgalku ka dhacay waxaa ka mid ahaa deegaannada Buulo Cabdalla, oo u dhexeeya Mubaarak iyo Uguni.

Intii uu socday hawlgalku, waxaa lagu dilay 22 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab.

Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyay in uu ka mid ahaa dadka la dilay horjooge lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Jeeri, oo caan ku ahaa dhibaateynta dadka rayidka ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay inay sii xoojin doonaan hawlgallada noocan oo kale ah, iyagoo uga mahadceliyay saaxiibbada caalamka taageerada ay siiyaan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Si kastaba, ciidamada iyo dadka deegaanka ayaa xoojiyay dhaq-dhaqaaqyada amni ee ay ka wadaan gobollada dalka, xilli ay dowladdu dooneyso inay qabato doorashooyin qof iyo cod ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda adkaysay muhiimadda ay leedahay sugidda amniga guud ee dalka, iyadoo sheegtay inay dadaal xooggan ku bixinayso sidii looga hortagi lahaa weerarrada Al-Shabaab, loona xaqiijin lahaa xasillooni waarta oo ka hanaqaadda gobollada dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News