Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa wada-hadal dhanka telefoonka ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta ee Boqortooyada Haashimiyadeed ee Jordan, Ayman Safadi.
Wada-hadalkan ayaa la sheegay in uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal, xilli ay jirto baahi loo qabo iskaashi ballaaran oo ku saabsan arrimaha gobolka.
Labada wasiir ayaa si gaar ah uga wada hadlay xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee gobolka, iyo dadaallada socda ee lagu xoojinayo xasilloonida, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha argagixisada.
Sidoo kale, waxay dib u eegis ku sameeyeen xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Jordan, iyagoo isla gartay in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo maalgashiga.
Dhinacyada ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta ku saleysan danaha labada dal, si loo gaaro horumar waara oo dhinacyo badan leh.
Labada wasiir ayaa sidoo kale isla qaatay in la joogteeyo wada-hadalka iyo xiriirka dhow, si si wax ku ool ah loogu wajahayo caqabadaha wadajirka ah ee saameeya gobolka.
Ugu dambeyn, waxay mar kale xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Jordan, iyagoo muujiyay rajada laga qabo in iskaashiga labada dal uu sii kobco mustaqbalka dhow.


